Tartan Loo Galay Iftiiminta Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa

0
641

Hargeysa-(Dawan)- Guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland ayaa shaaciyay tartan loo geli doono mashruuca iftiiminta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, waxaana tartankani soo xaraystay 14 shirkadooda.

 

Ugu horrayntii guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen oo madasha ka hadlay ayaa yidhi  “saaka oo ay bishu tahay kow bishii sideedaad sannadka 2021-ka waxa aynu furanaynaa qandaraaska iftiiminta Hargeysa Stadium, waxa ku soo tartamay 14 shirkadood, guddidu waxa ay idin balanqaadaysaa in si daahfuran ay u soo bandhigi doonto shirkadda ku guulaysata haddii Alle yidhaa, mashruucan waxa laga maal-gelinaya miisaaniyadda xukuumadda ee sannadka 2021-ka” ayuu yidhi Nuuxu Maxamed Xuseen guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland.

 

Dhankooda iyaguna waxa hadallo ka jeediyay madashii lagu soo bandhigayay tartanka mashruucan qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkaddaha kala duwan ee tartankan gali doona waxaana ka mid ahaa hadalladoodii “waxaan ka socdaa shirkadda Tayo Production waxaanu ka soo qayb-galnay tartanka iftiiminta garoonka Hargeysa Stadium, shaqooyin noocaas oo kale ah oo aanu hore u soo qabanay ayaa jira insha Allah guul ayaanu rajaynaynaa” waxaa sidaa yidhi masuul ka hadlayay afka shirkadda Tayo Production oo ka mid ahayd shirkadihii ka soo qayb-galay tartankan.

 

“Aniga oo ka hadlaya magaca shirkadda Oroginal groups oo ka mid ah tartamayeyaasha maanta u tartamaya qandaraaska ee ay soo xayaysiisay guddiga qandaraasyadu ee ah ee ballaadhinta iyo casriyaynta garoonka Hargeysa Stadium, waa markii ugu horraysay ee aanu ka soo gayb-galno tartan noocan ah waxaanu rajaynaynaa in insha allah in aanu ku guulaysan doono, waxaanu rajaynaynaa in uu noqdo tartan caddaaladeed, aad iyo aad ayaanu runtii ugu faraxsananay guddiga qandaasyaddana waxaanu ugu mahadnaqaynaa sida quruxda badan leh ee ay markasta qandaraasyadda noocan oo kale ah ay u soo baahiyaan amma ay ganacsatada waaweyn ee dalka qof kaste oo danaynayaana uu si xor iyo xalaal ah ugu tartamo” waxa sidaa yidhi masuul kale oo ku hadlayay afka shirkadda Oroginal groups oo ka mid ahayd shirkadihii maanta ka soo gayb-galay tartankan.

 

Leave a Reply