Sool: Maamulka Gobolka iyo Ka Degmadda Laascaanood Oo Ka Hadlay Dilka Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Sool

0
617

Laascaanood (Dawan): Maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ayaa ka hadlay dilka guddomiyihii komishanka doorashooyinka gobolka Sool marxuum C/laahi Laba-gole, oo habeen xalay ay dabley hubaysani ku dileen magaaladda Laascaanood.

Waxaanay badhasaabka iyo maayarku tacsi u direen qoyskii, qarraabadda, ehelka, xubnaha komishanka iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, iyagoona ALLE SWT uga baryay inuu jannooyinkiisii ka waraabiyo marxuumka.

Badhasaabka Sool iyo maayarka Laascaanood oo maanta si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaaladda Laascaanood ayaa guud ahaanb bulshadda gobolka iyo ka degmadda Laascaanood ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dilka guddoomiyihii komishanka gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa si gaara u faray laamaha amaanka ee gobolka in ay si deg deg ah uga hawl galaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii ka danbaysay dalka marxuumka.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa geerigadda guddoomiyihii komishanka doorashooyinka ee gobolka Sool ka tacsiyadeeyay qoyskiisa, Asxaabtiisa, shacabka gobolka Sool, Kommishinka doorashooyinka heer gobol iyo heer qaran iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ee uu marxuumku ka baxay.

“Marxuumka waxaan ALLE SWT uga baryaynaa inuu naxariistiisii janno ka waraabiyo, su’aasha qabrigana u fududeeyo. Eheladiisii, qarraabadiisii, iyo ubadkiisii, iyo asxaabtiisii, iyo shacabka gobolka Sool iyo dhamaanba umadda reer Somaliland Samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Geesta kale badhasaabka Sool ayaa faray laamaha amaanka ee gobolka Sool inay baadhitaan iyo heeggan u galaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhagar qabayaasha shir qoolkan gaystay.
“Geeridu waa xaq, waana la dhimanayaa.

Laamaha amaanka ee gobolka Sool noocyadoodda kala duwan waxaan farayaa, in sidii aanu horeba waajibaadka ugu kala qaadanay, in cidii gaysatay dilka guddoomiyihii komishanka dooraashooyinka ee Sool iyo dhagar qabeyaashii dilkaasi gaystay, in ay si deg deg ah u soo qabtaan. Baadhitaan rasmiya oo buuxana ay sameeyaan”.

Geesta kale maayarka Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, ayaa isna ugu baaqay bulshadda magaaladda in ay si buuxda ula shaqeeyaan haayadaha amaanka, isla markaana ay dadweynuhu gacmaha isku qabsadaan sidii looga wada shaqayn lahaa amaanka.

“Marka hore waxaan ILLAAHAY SWT ka baryaynaa inuu Samir iyo iimaan inaga wadda siiyo.

Xaasaskiisii, ehelkiisii, iyo dhamaanba bulshadda gobolkaasi. Waxaanan ILLAAHAY SWT uga baryaynaa inuu marxuumkana naxariistii janno ka waraabiyo” ayuu yidhi C/raxiin Cali Ismaaciil.

Maayarka oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waynu aragnaa maalin walba waxaa dhacaysa in door-roonaheena lagu dillo magaaladda gudaheedda, oo aynu nidhaahno maanaan arkayn, iyo maanaan maqlayn. Waxaa la rabaa, maalinba nin bay ku dhacaysaa, in aynu arrintaasi maanta taa C/laahi, ku dhacday, meeshay gashaba, in aynu kaga daba galno, oo ay noqoto tii aynu isku daba qaban lahayn.

Haddii aynaan is-daba qaban, oo maalin ba la yidhaahdo hebel dhimay, oo saddex cisho la xasuusnaado, oo laga taggo, cid allaale cid inaga hadhaysaa ma jirto. Waxaanan rejaynayaa in aynu gacanta ku soo dhigno gacan ku dhiigleyaashii dhagartaasi gaystay”.

Leave a Reply