Xukuumadda Somaliland oo la Dagaalamaysa Xanuunka Dhimirka

0
364
Hargeysa-(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL, Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL iyo Agaasimaha Guud ee Shaqo-gelinta, Arimaha Bulshada iyo Qoyska ayaa magaaladda Hargaysa ka daahfuray Mashruuca Daawaynta iyo Daryeelka Xannuunada Maanka (Dhimirka).
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa siyaasad buuxda u samaysay Caafimaadka dhimirka iyada oo loo qorsheeyay in Cusbitaalka gaar ah dalka looga wada dhiso bukaanada dhimirka kuwaasoo badi la dhisay, in mihnadlayaal iyo hawlwadeeno Caafimaad oo gaar ah loo tababaro, in wacyigalin balaadhan loo sameeyo bulshada taasoo ay kamid yihiin in bulshada laga wacyigaliyo waxyaabaha sababa xannuunada maanka iyo in bulshada lagu wacyigaliyo sida loola dhaqmo dadka qaba xannuunada dhimirka.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa deddaal adag oo joogto ah ugu jirta Horumarinta Caafimaadka dalka iyada oo xiligan dagaal adag ugu jirta kahortaga iyo xakamaynta xannuunka CORONAVIRUS.

Leave a Reply