Astaamo Ma Yeelan Karo Nacasku ?

0
689

Haddii aad rumaysan tahay inaad tahay qof wakhti kasta saxan, xubnaha kalena ay yihiin kuwo khaldan, ama gefkaaga aad ku riixdo kuwo aan warba ka hayn, isla maraana  faan badan oo is amaana,  dhamaantood waa astaamaha qofka caqliga iyo garaadka yar  ee nacaska ah.

Qoraagga buugga “Emotional Intelligence”, dareenka garaadka Dr.Travis B.  ayaa buugiisa ku cadeeyay in qofka khaladkiisa dusha ka saara dad kale uu yahay qof aan masuuliyad qaadi Karin oo nacas ah, waxaana uu yidhi :” Isla wakhtiga aad dadka kale farta ku fiiqdo, waa marka uu bilaabmayo in laguu arko qof aan mas’uuliyad qaadi karin”.

Waxaana intaasi raaciyay in mas’uuliyadda khaladka uu qofka lihi qaato si aanu u noqon nacas. Waxa kale oo daraasad jaamcadda Michgan ee Maraykanka samaysay ku cadaysay in qofka caqliga badani xalka khaladkiisa uu isagu raadiyo isagoon qofna ku riixin.

Dadka garaadka hooseeya ee nacasayada ahi waxay sameeyeen, inta badan naftooda inay amaanaan si ay u muuqdaan,  Waxay ka hadlaan xumaanta iyo dhaliisha dadka kale, xukunka ayay dadka kula degdegaan. Dadka caqliga badan ee fariidka ahi qofna xumaan kulama degdegaan, go’aan degdeg ahna kama qaataan.  Waxa kale oo la cadeeyay in dadka garaadka sare lihi ay yihiin kuwo gacan furan oo aan bakhaylo ahayn.

Leave a Reply