Dallada SONSAF oo sheegay inay guul taariikhi ah ku dhamaadeen howlihii Doorashooyinka isku-sidkan ee Somaliland 2021

0
850
“Somaliland waxa ay adduunyada inteeda kale dheertahay waxa loo yaqaano isu tanaasulka..”Guddoomiyaha SONSAF Anwar Cabdiraxmaan

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Dallada ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSAF) oo maalintii shalay Magaalada Hargeysa ku yeeshay, ayaa hambalyeeyey nidaamkii ay Dalka uga dhacday Doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka, Doorashadii shir-guddoonka golaha Wakiillada cusub iyo guud ahaan hanaankii ay ku soo dhamaadeen howlaha Doorashooyinkaasi oo ku soo gabagaboobay Doorashadii Shirguddoonka Golaha Wakiillada ee ay Salaasadii todobaadkan doorteen mudaneyaasha cusub.
Dallada SONSAF, waxa ay sheegeen inay Somaliland ka qabsoomeen Doorashooyin taariikhi ah oo turjumaad mugle ka bixiyey nidaamka Dawlad-wanaaga iyo dimuquraadiyada ka hana qaaday Dalka.
Guddoomiyaha Dallada SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo kulankaasi  Warbaahinta kula hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey mowqifka ururrada aan dawliga ahayn ee ku wajahan sooyaalkii howlaha Doorashada ee soo gabagaboobay iyo casharada laga baran karo.
“Doorashadii isku sidkanayd ee Qaranka Somaliland ka dhacday 31 May ee soo gabagabowday 3-dii August 2021, waxa ay runtii ahayd mid doorasho u dhacday si dimuquraadi ah oo la waafajiyey nidaamkii dimuquraadiyaddeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland qaadatay.
Taasoo ay ka turjumayso in ilaa maalintii codbixinta loo dareeray, ilaa maalintii Maxkamadda sare ku dhawaaqday ilaa maalintii shir-guddoonka la doortay shalay (Doraad) inay dhamaanteed u dhacaysay hab dimuquraadi ah”ayuu yidhi Guddoomiye Anwar
Guddoomiyuhu waxa uu hambalyo u diray Shirguddoonka cusub ee Golaha Wakiillada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, xildhibaanadii lagaga guulaystay doorashada Shirguddoonka iyo guud ahaan qaranka, waxaanu sidoo kale bogaadiyey nidaamkii isu-tanaasulka iyo suluxa ahaa ee lagaga soo gudbay caqabadaha sharci iyo muranadii siyaasaddeed ee Doorashada ku lug lahaa.
“waxaan hambalyeynaynaa nidaamkaa wanaagsan ee Doorashadu u dhacday, mar labaadka waxa aan hambalyeynaynaa shir-guddoonka cusub ee loo doortay golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Siciid Mire Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil.
Waxa kale oo aan hambalyeynaynaa saddexdii murrashax ee lagaga guulaystay doorashada Shirguddoonka ee aqbalay natiijadii codaynta Doorashada shirguddoonka Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan.
Waxa kale oo aan hambalyeynaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse biixi Cabdi oo aqbalay natiijadii Doorashada Shirguddoonka, waxa kale guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama ay arrintani tahay guul u soo hooyatay Qaranka Somaliland, maadaama ay tahay guul ay gaadheen qaranka Somaliland.
Isagoo hadalka sii wata waxa uu sharaxaad ka bixiyey habka isu-tanaasulka ee Somaliland ku caano maashay “Somaliland waxa ay adduunyada inteeda kale dheertahay waxa loo yaqaano isu tanaasulka, taasoo runtii marar badan marka ay dhacdo in marka muran siyaasaddeed yimaado amma sharciga laysku qabto in mar walba xalka lagu dayo in laysu tanaasulo, isla mar ahaantaana laysu jiidjiido dhinacyada is haya, shalayna (Doraad) arrintii ka dhacday Golaha Wakiilladu waxay ahayd bisayl siyaasaddeed”
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Dallada SONSAF, waxa uu Mudaneyaasha golaha Wakiillada ee cusub farta ugu fiiqay baaxada howsha sugaysa iyo xeerarka muhiimka ah ee qaranku u dabran yahay, waxaanu yidhi “xeerrar badan oo la taaban karo oo bulshada Somaliland u baahan tahay ayaa halkoodii aan laga dhaqaajin, waxa kamida xeerkii Baananka, Xeerkii Saxaafadda iyo xeerkii Kufsiga,sidaas awgeed xildhibaanada cusub ee golaha Wakiillada waxa horyaalla howl aad iyo aad u balaadhan”

Dallada SONSAF, ayaa qayb libaax ku lahayd howlihii Doorashada, isla markaana kamida wadaageyaasha nidaamka dimuquraadiyada iyo dawlad-wanaaga ee Somaliland.

Leave a Reply