Faa’iidooyinka Cafimaad Ee Geedka Timirta!

0
676

Geedka timirtu waxa uu ka mid yahay geedaha ugu faca weyn adduunka. Geedkani dunida oo dhan waa uu ku fidsan yahay, waxaana uu soo saaraa midho waxtar u leh jidhka Aadamiga. Geedkan ayaa hodan ku ah fiitamiinnada iyo macdanta jidhku baahan yahay, kuwaasi oo kor u qaadaya caafimaadka qofka.

Daraasad la sameeyay oo lagu daabacay  mareegta (msn.com) Waxa uu dawo ka yahay cudurro badan isagoo nafaqo aad u sareeya siiya jidhka.  Waxa halkan idiinku soo bandhigaynaa faa’iidooyin ay leedahay xididdada timirta. Geedka timirtu waxa uu ka kooban yahay jirridda, caleemaha, ubaxa, madaxa timirta iyo midhaha, marka lagu daro xididdada timirta ee ku xasiliya kuna xejiya geedka ciidda.

Xididadu waxa ay ku fidsan yihiin geedka hareerahiisa, waana mid  si joogto ah loo cusboonaysiiyo si ay geedka uga caawiso inuu helo nafaqo wanaagsan.  Mid ka mid ah shaqooyinka xididada timirta ayaa ah inay nuugaan biyaha iyo nafaqooyinka illaa uu geedka ka baxayo, taasoo xididdada ka dhigaysa inuu yeesho faa’iidooyin caafimaad oo aad u badan. Xidadu waxa ay  nuugaan fiitamiinnada iyo macdanaha uu geedka timirtu quuto, maadaama la isticmaali jiray tan iyo wakhtiyadii hore, sidaa awgeed waxa lagu daweeyaa cudurro badan maadaama uu hodan ku yahay macdanta zinc, naxaas iyo macdano iyo fiitamiino kale oo jidhku u baahan yahay.

Xididdada timirtu aad bay u nafaqo badan yihiin waayo waxa ku jira dufan iyo macdano badan sida naxaas, fosfooraska, potassium, birta, iyo zinc  iyo fiitamiino kale oo badan. Waxa ku jira macdanta potassium, copper, fosfooraska iyo zinc, oo dhamaantood gacan ka geysta xakamaynta cadaadiska dhiigga, laakiin arrintan ayaa la sheegay weli usii baahantay daraasado cilmiyeed oo dheeraad ah.

Xididdada timirta waxa kale oo ku jira macdanta antioxidant -ka iyo weliba kalooriyaal, taas oo ka dhigaysa mid waxtar weyn u leh caafimaadka wadnaha iyo ka -hortagga cudurrada kala duwan. Miisaanka qofkana aad ayay hoos ugu dhigaan  xididada timirtu, maadaama ay ku jiraan faybar yareeya rabitaanka iyo doonista cuntada.

Xididdada timirtu waxay gacan ka geystaan ​​sameynta unugyada dhiigga cas, iyagoo ka ilaaliya unugyada dareemayaasha wixii dhaawac ah ee soo gaadhaya. Waxa kale oo ay kor u qaadaan shaqada difaaca jidhka maxaa yeelay waxaa ku jira bir iyo naxaas jidhku uga baahan yahay unugyada difaaca jidhka (WBC). Waxa kale oo ay xoojiyaan xoogga lafaha iyo ilkaha, waxaana sababaya macdanta fosfooraska ee aadka ugu badan, kaas oo jidhku u isticmaalo soo saarista borotiinka kor u qaada koritaanka unugyada.

Warbixinta ayaaa cadaysay in xididdada timirtu ay caawiyaan daweynta baabasiirta waxaana ugu sababay macdanaha iyo fiitamiinada jidhka uu baahan yahay ee ku jira inkasta oo warbiixntu ay sheegtay inay tani u baahan tahay daraasad cilmiya oo intan ka badan.

Saliidda xididka timirta laga sameeyo waxaa ku jira tocotrienol, oo ka tirsan bahda fiitamiinka E, antioxidant, kaasi oo awood u leh inuu maqaarka jidhka ka caawiya gabowga iyo xarriiqaha laablaabka iyo jactada jidhka ku dhaca.

Timaha waxa ay ka caawisaaa saliiddani wasakhda xad-dhaafka ah.  Timuhu waxa ay u baahan yihiin fitamiin A & E oo milmi kara si ay u nafaqeeyaan  xididada iyo madaxa, saliidda timirtu waxa ay hodan ku tahay fiitamiin E, iyo antioxidant-ka Beta Carotene, oo jidhku u beddelo fitamiin A oo waxtar u leh maqaarka.

Ugu danbayna waxa ay ka caawisaa koritaanka timaha, saliidda xididka timirtu waxay yaraysaa timaha daata. Madaxana waxa uu ka ilaaliyaa waxyeelada qorraxda iyadoo ay  hodan ku tahay fitamiinka E iyo tocopherol, oo madaxaaga ka ilaalisa falaadhaha qorraxda. Saliidda timirta ayaa ah isha ugu weyn ee antioxidants -ka, iyo maaddooyinka nafaqeeyaha ah sida tocotrienols, tocopherols, carotenoids, phytosterols iyo squalene, kuwaas oo dhammaantood waxtar u leh timaha iyo jidhka guud ahaan.

 

Leave a Reply