Xubnaha Golaha Deegaanka Ee Degmada Sallaxlay Ayaa Olole Nadaafadeed Ka Fulisay Degmadaasi.

0
345

Xubnaha golaha deegaanka ee degmada Sallaxlay ayaa olole nadaafadeed oo ballaadhan ka fulisay degmadaasi.

Ololahan nadaafeed oo laga fuliyay degmada Sallaxlay ayaa waxa hore ugu baaqay maayarka degmadaasi Axmed Buraale Iimaan, waxaana ka qayb galay ururrada haweenka, guddida wanaag farista ee degmada iyo xubnaha xisbiyada mucaaradka ee degmada. Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka degmada, kuwaasoo ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmadaasi inay iska nadiifiyaan qashinka oo ay sheegeen inu dhibaato caafimaad oo weyn leeyahay, iyagoo xusay in nadaafadda ay si weyn uga hadashay diintu isla markaana ay meel sare dhigtay basrinta nadaafadda iyo wixii dhibaya badqabka guud ee bulshada.

Waxgaradka degmada Sallaxlay waxay intaas ku dareen in yar iyo weyn gacmaha la isku qabsado sidii meel looga soo wada jeesan lahaa horumarka degmada. Qaar ka mid ah iyaguna haween weynihii ka qayb qaadanayay ololahaasi lagu nadiifinayo degmada ayaa uga mahad’celiyay xubnaha golaha deegaanka ee degmadaasi Sallaxlay in laga uruuriyo qashinka degmada.

Xubnaha golaha deegaanka ee degmada Sallaxlay oo iyagun halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmadaasi inay iska xakameeyaan qashinka ka soo baxaya guryahooda oo aanay bannaanka ku tuurin wixii maanta ka dambeeya, iyagoo intaas ku daray in horumarka degmada uu ku xidhan yahay in laga wada shaqeeyo danta guud isla markaan loo hogaansamo awaamiirta dawladda.

Leave a Reply