Duqa Caasimadda Hargeysa oo dhisaya Waddo Laami ah

0
938

Hargeysa-(Dawan)-Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa maanta bilawday dhismaha wado cusub oo isku xidhi doonta Suuqa hoose ee caasimadda Hargeysa iyo Biriijka labaad  caasimadda.

Wadadan oo noqonaysa wadadii ugu horeysay ee ay xubnaha cusub ee Golaha degaanka Caasimadda Hargeysa ee uu hogaaminaayo maayir Cabdikariim Axmed Mooge ay sameeyaan ayaa noqon doonta mid ka duwan wadooyinkii hore loo dhisi jiray,iyada oo yeelan doonta waxyaalihii waddooyinka looga baahnaa,sida ay sheegeen masuuliyiinta dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa.

Masuuliyiinta dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa waxa ay sidoo kale sheegeen in ay dumin doonaan dhismeyaasha kala duwan ee wadadaasi soo galay,kuwaas oo ay tilmaameen in ay caqabad ku noqonayaan dhismaha wadadan.

Wadadan ayaa yeelan doonta biyo shub,biyo mareeno iyo meelihii ay dadku marayeen ,iyada oo loo dhisi doono qaab casri ah.

Wadadan maanta dhismaheeda la bilaabay oo isku xidhi doonta Suuqa hoose ee magaaladda Hargeysa, waxaanay mari doonta Maxkamaddaha ilaa Hotelka Emperial, waxaanay wadadani ahayd mid ay shacabka magaaladda Hargeysa aad ugu baahnaayeen.

Leave a Reply