Albeerkadii Halista Badan!

0
628

Goobaha hurdada ee ugu halista badan dunida waa kuwo ay dad badani jecel yihiin inay dalxiisaaan waxaana ka mid ah,  Hoteel la aasaasay sanadkii 1989, oo ah hudheelkii ugu horreeyay ee adduunka laga sameeyay baraf.Huteelkani waxa ku yaalla tuulada Joksgar ee dalka Iswiidan,

Hurdada hudheelkan waa mid ka mid ah arrimaha ugu halista badan ee abid aad la kulmi lahayd. Waxaana sabab u ah iyadoo Qolalka hudheelka heer kulkoodu uu aad u hooseyo isagoo u dhexeeyo -5 ° -8 ° C.

Maamulayaasha huteelka ayaa siiya dadka seexanaya dhar adag, gacmo gashi, kabo iyo qalab kale oo martida loogu talo galay si ay u siiyaan diirimaad. Haddii aanay qalabkaasi xidhan waxa suuragal ah inay isla habeenkaasi ku dhintaan huteelka dhexdiisa  iyadoo ay sababayso heerkulka aad u hooseya.

Waxa kale oo dalkaasi ku yaalla huteelka Sala Silvermine  waana Hotel u oggolaanaya martida in ay seexdaan 155 mitir dhulka hoostiisa ah oo loogu talagalay 2 qof.  Xaruntan huteelka laga sameeyay waxa ay ahayd goob laga qodo macdanta silverka qarnigii 15aad ilaa 1905.  Martida seexataa Huteelka waxa ay daawan karaan isla markaana war bixin iyo qoraalo ka samayn karaan goobta huteelkan, laakiin waa inay la qabsadaan xaaladaha cimilada iyo heerkulka, maxaa yeelay waa goob qabow iyo qoyaankeedu aad badan yahay.

Leave a Reply