Orodyahan Reer Somaliland Ah Oo Guul usoo Xambaaray Waddanka Canada

0
455

Tokyo(Dawan):-Orodyahan reer Somaliland ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed, isla markaana lagu naanayso MohSpeed ayaa ku guulaystay billada qalinka ah ee tartanka Olombikada ee ka socda caasimadda dalka Japan.

Orodyahankan reer Somaliland oo u ordaaya dalka Kanada ayaa kaalinta labaad ka galay orodka 5,000 ee Mitir ah.

Biladan uu ku guulaystay orodyahan Maxamed Axmed oo kasoo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana u ordaaya dalka Kanada ayaa  noqonaysa biladii ugu horeysay ee ay ciyaartoyda reer Kanada ku guulaystaan.

Leave a Reply