Duufaanka Badda Iyo Khurfaadka Ku Lammaana!

0
807

Dadkii hore marka ay safarka badda ku jiraan waxa soo waajihi jiray dhibaatooyin badan sida badda oo kacsan, dabaylo , duufaano iyo roobaab mahiigaano ah oo jihada ka lumiya.

Wakhtigaasi dadku ma haysan maraakiibta iyo Doonayha mishiinka casriga ah leh, waxay ku safri jireen Doonyo shiraac leh oo dabaysha la sheqeeya. Waaga waxa ay bulshooyinku aaminsanayeen caadooyin kala duwan, waxaana marka ay iska xejin waayaan dabaysha ay naakhudayaasha iyo dadku aaminsanaan jireen inuu Mayd ku jiro sanduuqyada dadku wataan, oo khiyaamadaasi awgeed ay keentay ciqaabka.

Waxay baadhid ku bilaabi jireen alaabada, marka ay ka quustaan in qof soo saaro iyadoon la baadhin, haddii taasi laga waayo waxa ay odhan jiren waxa inaga mid ah qof habaaran oo baxsad ah sidaa awgeed waxa dadka lagu khasbi jiray in loo qori tuur oo kii ay usoo baxdo badda lagu rido. Dhaqankan ayaa ah mid salka ku hayay marka ay dadku u nool yihiin sida xayawaanka, waayo kama faa’iidaystaan caqliga, waxaana ay ku dhaqmaan khurafaad iyo beeno samaysa ah. Aadamigu marka ay maskaxdiisu noqoto mid naafo ah dhibta uu geyasanayo ayaa ka badan waxtarakiisa.  QOf badda lagu tuuray iyadoo sabab looga dhigayo qori tuur ayaad ku heshay, ma badbaadinayso moolaha kale ee dusha ka saran doonida waayo ma jiro xidhiidh ka dhexeeya qofka badda lagu tuuray iyo dabaylaha dhacaya.

Leave a Reply