Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo Xilka la Wareegay

0
433
Hargeysa-(Dawan)- Xubnaha loo doortay Shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiillada Somaliland oo kala ah Guddoomiyaha Golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad Siciid Mirre Giirre, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Cali Xaamud Jibriil, ayaa kala wareegay xubnaha Shir-guddoonkii hore, hantida Golahaasi leeyahay, Shaqaalaha ka hawl gala xaruntaas, Xeerarka golaha horyaalla ee u baahan in ay ka shaqeeyaan golaha cusub, qaybo qoraalka qorshaha shanta sanno uu ku shaqaynayo golaha cusub iyo waxyaabo kale.
Dhinaca kale, Golaha cusub ee dhawaan la doortay, ayaa lagu wada in ay dhawaan si rasmi ah u bilaabi doonaan shaqada golahaasi, iyaga oo waxyaabaha horyaalla ee ay qaban doonaan ay ka mid tahay wax ka beddelka xeer-hoosaadka uu ku shaqayn doono golaha cusub iyo dhismaha guddida cusub ee golahaasi yeelan doono.

Leave a Reply