Maayarka Laascaanood oo sheegay inay dhismeyaal hadh ah u samaynayaan hooyoyinka iyo ganacsatada yaryar ee Sariibada Magaalada

0
530

Laascaanood(Dawan)-Maayarka Degmada Laascaanood, ahna guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdirixiin Cali Ismaciil oo saaka kormeer ku sameeyey Sariibada suuqa Magaaladaasi, ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii dadka ku ganacsada halkaasi ugu dhisi lahaayeen goobo ku haboon oo ay ku shaqeeyaan, iyagoo wax ka bedel ku samaynaya suuqaasi.
Sidaasina waxa uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaanu sidoo kale sheegay inay hagaajin doonaan gole deegaan ahaan bilicda iyo fayo-dhowrka suuqyada Magaaladaasi.
Maayar Cabdirixiin ayaa isagoo arrimahaas faahfaahinaya yidhi “Waxaan saaka kormeer ku tagnay Sariibada magaalada Laascanood, kaasi oo aan indho-indhay ku samaynay qaabka ganacsiga ee saaqaasi iyo ukuur galka xaaladooda ganacsi. Waxaana warbixin iyo xaalada sariibada ka dhagaysanay hooyoyinka ku ganacsada suuqaasi.
Ka Dowlada Hoose ahaan waxaanu wax kabadal wayn ku samayn doona horumarinta ganacsiga ee suuqa sariibada, anagoo u dhisi doona hooyoyinka iyo ganacsatada yaryar meelo ay ka galaan milicda qoraxda iyo roobka. Sidoo kalena waxana hagaajin doona bilicda iyo nadafada suuqa anagoo ka duulayna Laascanood qurux badan iyo suuq la jaanqada magalada inteeda kale”
Kormeerka waxaa ku wahelinayay maayir kuxigeenka degmada Axmed Kawte, Xogahaya Dawlada Hoose Cabdiraxman Khader, Badhasaabka G/Sool Cabdiqani Jiidhe, Taliyaha qaybta Booliska G/S Axmed Cabdilahi iyo qaar kamid ah Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood.
Maayar Cabdirixiin ayaa waraysi uu dhawaan bixiyey ku sheegay inay qorsheynayaan barmaamujyo horumarineed oo ay kor ugu qaadayaan adeegyada bulshada ee Magaaladaasi.

Leave a Reply