Xildhibaan Xasan Ogaal ka hadlay howlaha horyaala golaha Wakiillada cusub

0
507

Xildhibaan Xasan Cumar Xasan Ogaal oo kamida mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey xeerar muhiim ah oo u yaalla golahaasi, kuwaasoo uu carabka ku dhuftay xeerka Saxaafadda.

Xildhibaanka oo kamida mudaneyaal hore uga tirsanaa bahda Saxaafadda Somaliland, ayaa sidoo kale daneeyayaasha xoriyada Saxaafadda ugu baaqay inay taageero wax tar leh u fidiyaan suxufiyiinta dalka ka shaqeeya, korna u qaadaan wacyigooda shaqo iyo nololeed.

Mudane Xasan Ogaal waxa uu ururrada Saxaafadda u soo jeediyey inay golaha cusub kala shaqeeyaan sidii loo meel marin lahaa xeerka saxaafadda.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaal waraysi ah:

Leave a Reply