Maamulka Degmada Wajaale oo Xidh Xidhay Sariflayaal

0
500

Wajaale-(Dawan)-Maamulka degmada Wajaale ee gobolka Gebilay oo kaashanaya laamaha amniga ayaa maanta fuliyay hawlgal lagula dagaalamayo sarriflayaal ay sheegeen in bulshada ay ku kicinyaan sixirka lacagaha qalaad.

Siduu warkan noogu soo diray weriyaha wakaaladda wararka ee degmada Wajaale Cismaan Cabdi Bade, maamulka degmada ayaa soo xidh xidhay sanaaduuqda qaar ka mid ah sarriflayaal ajaanib ah oo sixirka ku kicinayay bulshada ku dhaqan degmada Wajaale, taasoo saamayn ku yeelatay nolosha dadka magaalada. Sarrifalayaashan ajaanibta ah ayaa qiime sare ku sarifayay lacagaha qalaad ee laga adeegsado degmada Wajaale.

Ciidanka ammaanka ee magaalada ayaa qalabkii ay ku ganacsanayeen ka uruuriyay ajaanibkaasi, maamulka degmada Togwajaale ayaa sheegay inaanay marna ogolaan doonin in maceeshadda lagu kiciyo dadkooda isla markaan ay il gaar ah ay ku hayaan ganacsatada kicisa waxyaabaha daruuriga ee bulshadu ay isticmaasho

Leave a Reply