Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Burco oo Kala Hadlay

0
687

Qore: Scaiid Cagjar

Burco-(Dawan)- Masuuliyiinta uga sareysa dawladda hoose ee magaalada Burco ayaa warbaahinta mariyey hadal is diidaan oo ku saabsan hawlwadeeno ay shaqada ka caydhiyeen.

Duqa Magaalada Burco, Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi ayaa sheegay in ay jiraan hawlwadeeno ay shaqada ka caydhiyeen, waxanu xusay in ay jiraan kuwa kale oo dhawaan la eryi doono.

 

“Way jiraan kuwa shaqada laga joojiyey, kuwa laga joojin doona iyo qaar aanu qoran doona “ayuu yidhi

 

Hadalka maayarka ayuu meesha ka saaray xoghayaha dawladda, Cimaan Sheekh Maxamed, oo sheegay in aanay jirin shaqaale ka tirsan dawladda hoose oo shaqada laga eryey.

“haba yaraate ilaa imika qof shaqaale ah oo aanu erinay ma jiro, qofka shaqaalahana isaga oo taga mooye annagu eriskiisa kuma degdegno mana jeclin” ayuu yidhi

 

Maayarka Magaalada Burco ayaa lagu eedeyey in uu caydhiyey shaqaale ka tirsan dawladda hoose kaasi oo markii dambe qirtay , balse hadalka xoghayaha fulinta ayaa hor imaanaaya taasi oo muujinaysa kala socda ka jira dawladda hoose ee dhawaan loo doortay maagalada.

Leave a Reply