Halabuurka Iyo Curinta Waxa Sababa Baahida!

0
694

Hindise iyo curin kasta waxa sababa baahida taagan ee lagama maarmaanka  ah wakhtigaasi. Wiilka lagu magacaabo Lin oo u dhashay dalka China ayaa sanadkii 2013  ka soo dhacay dabaqa afraad ee fooq aad uu dheer. Dhakhaatiirta ayaa go’aamiyay in labada lugood laga gooyo madaama ay burbureen , oo aanay kabniin qaadan karayn isla markaana uu dhaawac weyni soo gaadhay lafdhabarta oo aanu istaagi karyan.

Mareegta CGT ayaa daabacay in Lin uu wakhtigaasi aad u niyad jabay, waxaana uu iska jiifay sariirta. Lin waxa uu dhiganayay Jaamacadda culuumta electroniga iyo technoljiyada.

Sanadkii 2015 ayuu Lin hindisay Robot aan hore loo samayn, oo doonayay in uu kaga baxao dhibaatadii haysta. Miisaanka Robotka ayaa 23 Kg, dhererkiisuna waxa uu 1 mitir.

Lin waxa uu robotka gashadaa lugaha iyo gacmaha, marka uu badhamo kala duwan taabto waxaa u suuraggal ah inuu dhaqaaqo oo meeshii uu doono uu  ku tago. Wakhtigan wiilka Lin wax kasta wuu qabsan karaa, waana uu u socon karaa, Sports-ka ayuu ciyaari karaa, jararjarooyinka ayuu fuuli karaa. Waxaana uu samayn kara wax kasta oo farxad ku abuuri kara isaga iyo qoyskiisa. Lin Waxa uu sheegay in uu wakhti badan ku bixiyay sidii uu uga bixi lahaa dhibaatada iyo murugada joogtada taasina uu ku guulaystay oo wakhtigan uu aad u faraxsan yahay.

Leave a Reply