Waad Bedeli Kartaa Arrinka Laga Aaminsan Yahay!

0
516

Abaalmarinta caanka ee loo yaqaan Nobel prize ee nabadda lagu bixiyo waxa asaasay ninka loo yaqaanay Alferd Nobel sanadkii 1888. Sababta uu u sameeyay abaal marinta ayaa ka danbaysay ka dib markii u dhintay wiil ay walaalo yihiin.

Dhimashada walaalkii ayaa wargeys ka soo baxay dalka Faransiiska oo uu maleeyay  inuu dhintay Alferd Nobel,  oo dhimishadiisa qorayay uu cinwaan uga dhigay: “ Ninkii Geerida ka Taajiray oo dhintay “. Wargeysa ayaa ku dhaleecaynayay madaama uu ahaa ninka curiyay Miinada halista badan ee dunida maalin kasta ay dadku ugu dhimanayaan. Fikradaasi oo uu dhaqaale badan ka helay, ka dib markii ay dawlad kasta ka iibsatay.

Nobel markii uu akhriyay warkaasi xun iyo sida ay dadku u xusuusan doonan ka dib dhimashadiisa ayuu bedelay wixii laga aaminsanaa, waxaana u go’aansaday in hantidii uu ka helay Curinta Miinada ku maalgeliyo samaynta aabaal marinta Nobel Prize.

Xaqiiqdii sidii uu doonayay waa uu helay maanta dunidu uma taqaan nin belaayo curiyay laakiin waxa loo yaqaan nin hantidiisa ku bixiyay nabadda dunida.

Leave a Reply