Dawladda Hoose ee Laascaanood oo Bilawday Dhismaha Buundo Muhiim ah

0
390

Laascaanood (Dawan): Dawladda hoose ee degmadda Laascaanood ayaa ka fulisay xaafado magaaladaasi ka mid ah qorshe waddo bannayn ah oo laga fuliyay Togga Far-xaskule ee isku xidha xaafada New Laascaanood iyo magalada inteeda kale.

Sidoo kale waxay dawladda hoose ee Laascaanood isla shalay  bannaysay Waddooyin si sharci darro ah loo xidhay oo ku yaalla xaafada New Laascaanood ee degmo hoosaadka Wadda jir.

Hawl-galadan Waddo bannaynta iyo hirgelinta dhismaha Buundadda Togga Far-xaskule, waxaa hoggaaminayay maayer ku-xigeenka Laascaanood ahna ku-simaha maayerka Axmed Maxamuud Cumar (Axmed-Kawte).

Waxaana maayar ku-xigeenka ku wehelinayay xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Laascaanood, xubno ka mid ah golaha deegaanka Laascaanood, Injiineerradda dawladda hoose ee Laascaanood iyo masuuliyiin kale.

Maayar ku xigeenka degmada Laascaanood Axmed Kawte, oo ka hadlay hawl-galkaasi ay maanta fuliyeen ayaa sheegay in ay bilaabeen dhismaha Buundo hal-bawle ah.

Axmed Kawte, ayaa ugu baaqay bulshadda reer Laascaanood in ay ku tashadaan dawlada hoose, isla markaana ay ka qayb qaataan dhismaha Buundadani oo hal-bawle u ah dadweynaha.

Maayar ku-xigeenka Laascaanood waxa uu ka warbixiyay hawl-galka waddo banaynta iyo dhismaha Buundadaasi ay ka hirgelinayaan, waxaanu yidhi “Saaka (shalay), waxaan ka shaqaynaynaa Waddadaasi isku xidha xaafadaha New Laascaanood iyo Farxaskule, ahna Waddo Biriijkaasi loo diyaarinayo, ee ay isticmaalaan bulshadda xaafadda New Laascaanood ee degmadda Wadda Jir.

Laba fariimood ayaan rabaa in aan bulshadda la wadaago, midi waa qorshaha Waddo banaynta. Kaasoo laba qorshe isugu jira. Midi waa master plan-ka fidintiisii, kaasi weli maanaan gaadhin waanan u soo soconaa. Ninkii ay jiidha na way jiidhi doontaa, ninkii ay ka baydha na way ka baydhi doontaa. Shaxdii iyo maabkii ay wasaaradda hawlaha guud dhigtay ayaana la raaci doonaa”.

Geesta kale Axmed Maxamuud Cumar (Axmed-Kawte), waxa uu fariin u diray qaybaha kala duwan ee bulshadda Laascaanood.

“Mida labaad na, waa ta magaaladda gudaheedda. Dhagaxa gurigaaga hortiisa yaalla, haddii aad rejo ka leedahay qaado, oo meel dhigo. Haddii kale dawladda hoose ayaa qaadan doonta, dhulka danta guud ayaana lagaga shaqayn doonaa.

Taangiga biyaha lagu shubto ee gurigaaga hor yaala na, xerayso. Waayo? Taangiyadu amni darrada magaaladda ayay koow ka yihiin. Taangiyadda biyaha lagu shubto amar ayaanu hore uga soo saarnay, todoba maalmood ayaanan u qabanay, ilaa hadda cid qaadayna ma jirto” ayuu yidhi Axmed-Kawte.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Inta aanaan anagu tallaabo qaadin, waxaanu ka codsanaynaa dadweynaha reer Laascaanood, ee aanu u shaqaynaynayno, ee aanu masuuliyiinta u nahay, ee xilku naga saaran yahay, in ay qaatana taangiyadoodda oo ay guryahoodda ku nidaamsadaan”.

Dhinaca kale bulshadda ku nool xaafadaha laga hirgelinayo Buundadaasi ayaa soo dhaweeyay in Togaasi laga dhiso Buundo, iyagoo na sheegay in ay togaasi dhibaato weyn ku qabeen xiliyadda ay roobabku da’aan.

 

 

 

Leave a Reply