Hargeysa (Dawan) Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah xafladaha qabiilaysan ee bulshada kala qaybinaya, kaddib markii Guddoomiyaha Gobolka, Pro Axmed Maxamed Cadaad, uu amar rasmi ah ku soo saaray in aan huteellada magaalada Hargeysa lagu qaban karin munaasabadaha noocaas ah.
Go’aanka oo dhaqan galay 2-da Sebtembar 2026 ayaa lagu faray dhammaan huteellada iyo labada taliye qaybeed inay si buuxda u fuliyaan amarka, iyadoo cid kasta oo jebisa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeeddada amarku tahay in laga hortago qabyaaladda iyo kala qaybinta bulshada, gaar ahaan xafladaha haweenku ku qabtaan huteellada oo loo abaabulo qaab beeleed. Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada bulshada, anshaxa iyo wadajirka, isaga oo tilmaamay in diintu dadka farayso wanaag, dhowrsanaan iyo akhlaaq suuban. Waxaanu yidhi.“Ujeeddadu waa joojinta xafladaha qabiilaysan ee lagu kala qaybinayo bulshada, waxaana laga bilaabo 2-da Sebtembar 2026 dhammaan huteellada Hargeysa laga mamnuucay in lagu qabto xafladaha noocaas ah.
Masuuliyiinta huteelladana waxaa lagu adkaynayaa inay u hoggaansamaan amarka, halka labada taliye qaybeed loo faray inay si dhow ula socdaan huteellada; cid kasta oo jebisa amarkana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.” Sidoo kale Guddoomiyuhu waxa uu faray labada taliye qaybeed iyo dhammaan huteellada Hargeysa inay si dhow ula socdaan fulinta amarka, isla markaana aanay oggolaan wax munaasabad ah oo lagu kala qaybinayo bulshada.
Maamulka ayaa masuuliyiinta huteellada ku adkeeyey inay ka feejignaadaan qabashada xafladaha qabiilaysan, iyadoo lagu wargeliyey in cid kasta oo u hoggaansami weyda amarka ay wajihi doonto tallaabo sharci ah. Labada taliye qaybeedna waxaa loo xilsaaray inay si dhow u kormeeraan huteellada iyo goobaha lagu qabto munaasabadaha, si loo hubiyo dhaqan-gelinta go’aanka.
Amarkan ayaa qayb ka ah tallaabooyinka maamulka Gobolka Maroodijeex ku doonayo in lagu xoojiyo wadajirka bulshada, lagana hortago wax kasta oo sii hurin kara qabyaaladda iyo kala fogaanshaha bulshada, iyadoo huteellada magaalada laga doonayo inay u hoggaansamaan awaamiirta cusub.



















