Madaxweynaha JSL oo Kulamo la Qaadanaya Madaxda Ethiopia

0
286

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doonaya saraakiisha ugu sarraysa ee dawladda Ethiopia muddada ay safarka ku joogaan caasimadda Addis Ababa.

Madaxweynaha oo shalay gaadhay Caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxa madaarka caalamiga ah ee Bole international Airport kusoo dhaweeyey saraakiil sarsare oo ka socota dawladda Ethiopia, kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirka maaliyadda dawladda Federal-ka Ethiopa, Mudane Axmed Shide iyo wasiirudawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Mr. Redwan Hussein.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Mr. Abiy Ahmed, waxaanay labada hoggaamiye ka wada hadli doonaan xoojinta xidhiidhka labada waddan

 

Leave a Reply