Golaha wasiirada Somaliland oo Ansixiyay laba Xeer oo Mihiim ah

0
313

Hargeysa (Dawan) Golaha wasiiradda Somaliland, ayaa dood dheer ka dib cod gacan taaga ku ku ansixiyeen Qabyo Qoraalka Xeerka Qaxoontiga iyo Magangelyo doonka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo wada diyaariyeen xafiiska garyaqaanka guud iyo hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland xeerkaasi oo ujeedadiisu ahayd in la helo nidaam lagu maamulo dadka qaxootiga ah, iyo in la dejiyo hannaanka lagu ogolaanayo dadka qaxootiga ah ee dalkeena soo gala.

Sidoo kale Goluhu waxa uu ansixiyey Siyaasada Qaran ee Maamulka Dhulka oo ay soo wada diyaariyeen xafiiska garyaqaanka guud, Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyeynta iyo wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ujeeddada laga lahaa siyaasadaasina waxay ahayd in la helo hannaan si hufan loogu maamulo dhulka, looguna kala xadeeyo dhul daaqsimeedka iyo dhulka beeraha ah, sidoo kalana lagu habeeyo maamulka iyo qorshaynta dhulka magaalooyinka.

Leave a Reply