Ismaan Casilin” Wasiirka Wasaaradda Gadiidka

0
707

Hargeysa-(Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta gadiidka iyo jidadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beeniyey warar lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegayey in uu is casilay.

Wasiir Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim (Ataash) ayaa sheegay in ay been abuur yihiin wararkaasi oo baraha bulshada lagu baahiyey , waxaanu xusay in qarankiisa u shaqaynaayo wararkaasina ay been yihiin, “Shaqo ayaan ka imid, Qarankana waan u shaqaynayaa, Waxbana kama Jiraan wararkaasi oo waa been abuur”. ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Sidoo kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Abokor ayaa isaguna arrintaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Waa been wararka sheegaya inuu wasiirka wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadku is casilay, waa war aan sal iyo raad toona lahayn “

Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) ayaa qayb ka ahaa weftigii madaxweynaha JSL ee socdaalka ku tegay dalka Itoobiya.

 

Leave a Reply