Xukuumadda oo ka Hadashay Safarkii Madaxweynaha JSL

0
302

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftigii uu hoggaaminayay oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, ayaa shalay ka soo degay gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport.

Wasiirka arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo kamid ahaa weftiga Madaxweynaha JSL ayaa sheegay in kulankaasi ku qotomay xoojinta xidhidhka labada dal, sida horumarinta arrimaha iskaashi iyo isticmaalka dawladda Itoobiya ee dekedda Berber yo Berbera Corridor.

“Waxaanu ka wada hadalnay danaha labada dal ka dhexeeya, sida wax is-weydaarsiga, waxaanu ka wada hadalnay nabad-gelyada mandaqada, waxaanu ka wada hadalnay Dekedda Berbera isticmaalkeeda iyo tababaro iyo deeqo waxbarasho oo ay Itoobiya na siinayso” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnihii weftiga ahaa ee uu hoggaaminayey, ayaa ka hor intii aannay soo afmeerin safarkoodii shaqo ee ay ku joogeen dalka Ethiopia, waxa ay socdaal kooban ku tageen magaalada wershedaha iyo wax soo saarka caanka ku ah ee Hawaasa ee Koonfurta dalka Itoobiya.

 

 

Leave a Reply