Booliska Columbus oo shaaciyay Muuqaal la xidhiidha Dilkii Sheekh Maxamed Xassan

0
488

Hargeysa (Dawan) Booliska Columbus ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay muuqaal la xidhiidha dilkii Sheekh Maxamed Xasan Aadan, oo ahaa imaamka masajidka Abuu Hureyra ee magaaladaas, sidoo kalena ahaa xoghayaha golaha imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Ayanna.

Booliska ayaa sheegay in qofkasta oo haya macluumaad ku saabsan qofka waday gaadhiga jaalaha ah ee ka muuqda muuqaalka ay boolisku shaaciyeen uu la xidhiidho booliska.

Baabuurka dhexdiisa ayaa laga helay meydka Imaamka la la’aa ee Sheekh Maxamed Xasan oo ay ku yaalaan dhowr xabbadood oo jidhkiisa ah.

Ohio waxay martigelisaa Soomaalida labaad ee ugu badan marka laga reebo Minneapolis ee Maraykanka.

Imaam Sheekh Maxamed Xasan ayaa ahaa Imaam caan ka ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus, OH.

Leave a Reply