Hay’adda Dhawrista Tayada Ee Somaliland oo Abaalmairsay Shaqaalihii ugu Fiicnaa Sannadkii Tegay.

0
227

Hargeysa (Dawan) – Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland ayaa abaalmarisay shaaalihii ugu fiicnaa hay’adddaasi sannadkii tegay ee 2021-kii, iyagoo sidoo kale soo bandhigay waxqabadkii hay’adda dhawrista tayada ee sannadkaasi.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada ee Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inay maraaxil kala duwan ay soo martay hay’adda dhawrista tayada ee Somaliland, isla markaana ay hadda marayso meeshii ugu fiicnayd, waxaana uu tilmaamay in mustaqbalka ay rajaynayaan in hay’addu ay gaadho yoolasha ay dejisatay.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in intii ay joogeen ay hirgeliyeen laabab lagu baadho tayada cuntada soo galaysa dalka, isla markaana ay xidhiidh fiican ay la yeesheen hay’adda dhawrista tayada ee Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo weycigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Cabdillaahi Abokor oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay kasoo qayb galaan xafladdan lagu a baalmarinayo shaqaalaha hay’adda dhawrista tayada ee Somaliland, waxaana ay tilmaameen in hay’addu ay u hayso qaranka shaqo muhiim ah, oo ah ilaalinta iyo dhawrista tayada cuntooyinka iyo dawooyinka soo gelaya dalka.

Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarrada ee Somalilandd Cumar’sayid Cabdillaahi Aadan iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Rooda Cilmi ayaa sheegay in ahmiyad weyn oo sare ay leedahay in la abaalmariyo shaqaalaha, isla mar ahaantaana ay kor u qaadayso shaqada iyo shaqaalaha hay’adda dhawrista tayada ee Somaliland.

Leave a Reply