Koox Premier League oo Wada-hadalo la Furtay Xiddiga Ousmane Dembele

0
457

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay isku daydo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ka hor dhamaadka Suuqa January.

Xiddiga reer France ayuu 5 bilood ka dhimantahay heshiiskiisa Barcelona waxana ay kooxda reer Spain u sheegtay xiddiga in uu raadiyo koox cusub oo uu ku biiro inta uuna xidhmin suuqa January.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano kooxda chelsea ayaa la xidhiidhay wakiilka xiddiga si ay ugu qanciyaan in uu yimaado xiddigu inta lagu jiro suuqa January.

Kooxda Chelsea ayaa doonaysa in ay ka faa’iidaysato xidhiidha Thomas Tuchel la leeyahay xiddiga kadib markii ay ka soo wada shaqeeyeen kooxda Borussia Dortmund.

Chelsea ayaa doonaysa in ay xiddiga ku hesho lacag jaban marka loo eego in ay Barcelona ku qasbantahay in ay iska iibiso xiddiga reer France inta lagu jiro suuqa bishan.

 

 

Leave a Reply