20-kii Xiddig ee ugu Wanaagsanaa Kubadaha Madaxa ah Qarnigan oo lasoo Saaray

0
684

Cristiano Ronaldo ayaa hoggaaminaya ciyaartoyda ugu wanaagsan madaxaynta kubadda qarniga 21aad oo kasoo bilaabmaya sannadkii 2000.

Xiddiga reer Portugal ee shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or oo dhowaan loo aqoonsaday inuu yahay ciyaartoyga ugu goolasha badan qaramada, isla markaana saxeexay 803 oo dhamaan tartamada ah intii uu ku jiray xirfadda kubadda cagta ayaa ah laacibka goolasha ugu badan ku dhaliyey madaxa.

803 gool ee uu Ronaldo dhaliyey, waxay ka dhigeen ciyaartoyga ugu goolasha badan, isaga oo dhaafay Pele oo 765 gool dhaliyey, Lionel Messi oo 758 gool saxeexay iyo halyeygii Slavia Prague ee Josef Bican oo 720 gool dhaliyey.

36 jirkan sidoo kale boodhka  ku daray rikoodhkii Ali Daei ee goolasha qaramada, ayaa waxa uu kaalinta koowaad kaga jiraa ciyaartoyda madaxoodu halista ku yahay kubbadaha. 110 gool ayuu ku dhaliyey madax intii uu ku jiray garoomada, waana uu hoggaaminayaa liiska 20ka ciyaartoy ee qarniga 21aad ugu wanaagsan madaxaynta kubadda.

Ciyaartoyga labaad ee ugu wanaagsan madaxa qarnigan 21aad ee kusoo xiga Ronaldo waa weeraryahanka Barcelona iyo xulka  qaranka Netherlands ee Luuk de Jong oo dhaliyey 78 gool, waxaanu inta ugu badan usoo dhaliyey Sevilla oo uu amaah ugaga wareegay Barcelona xagaagiitegay.

Robert Lewandwoski oo dhaliyey 77 gool, Fernando Llorente oo kooxda Eibar ka tirsan oo dhaliyey 75 gool iyo Ramadel Falcao oo hadda u ciyaara Rayo Vallecano oo 71 gool ku saxeexay madax ayaa buuxiyey shanta kaalmood ee ugu sarreeya.

Halkan kaga bogo 20ka ciyaartoy ee goolasha ugu badan ku dhaliyey madaxa qarnigan 21aad:

  1. Didier Drogba (Hawlgab): 50
  2. Olivier Giroud (AC Milan): 50
  3. Guillaume Hoarau (Sion): 51
  4. Islam Slimani (Lyon): 51
  5. Raul (Hawlgab): 51
  6. Sergio Ramos (Paris Saint-Germain): 51
  7. Karim Benzema (Real Madrid): 54
  8. Peter Crouch (Hawlgab): 56
  9. Edinson Cavani (Manchester United): 57
  10. Miroslav Klose (Hawlgab): 58
  11. Zlatan Ibrahimovic (AC Milan): 58
  12. Edin Dzeko (Inter Milan): 59
  13. Mario Mandzukic (Hawlgab): 60
  14. Aritz Aduriz (Hawlgab): 63
  15. Bas Dost (Club Brugge): 64
  16. Radamel Falcao (Rayo Vallecano): 71
  17. Fernando Llorente (Eibar): 75
  18. Robert Lewandowski (Bayern Munich): 77
  19. Luuk de Jong (Barcelona/Sevilla): 78
  20. Cristiano Ronaldo (Manchester United): 110

 

Leave a Reply