Ummadda JSL Waxay u Baahantahay Cid Hore u Wadda iyo Qaran Wada Socda” Wasiirka Wasaarada Warfaafinta

0
468

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in Somaliland u baahantahay in laga wada shaqeeyo sidii Qaranka hore ugu socon lahaa.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay Munaasibad lagu soo bandhigayay Waxqabadkii Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Sannadkii 2021.

Waxaana uu yidhi”Waxa aan ka xumahay in aynu maqalno hadalo xanafleh,Caalamka wuu inoo soo jeedaa Ingiriiska iyo Dawladaha dariska ayaynu ognahay warkooda meesha uu marayo.dadkeeniii aynu aqoonta bidaynay haday mararka qaarkood dar jiidhaan Umadda cid hore u wada ayay u baahantahay Qaran wada socda ayay u baahan tahay halkii laga soo dhaqaajiyay in hore looga socda ayaa loo baahanyahay,beesha Caalamka meel fiican ayay ina dhigtay dadka qaar ayaa hadal khaldan sheega,wixii buugaas ku yaala waa wax Xukuumadda Umaddeeda u qabatay cid aanu ka rabno in ay nagu amaanaan majirto waa waajibaadkii Qaranka ku lahaa Xukuumaddii ay doorteen”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dad badani xogogaal u ahan waayihii uu dalka soo maray.Waxaana uu yidhi”Waxa laga yaabaa waayaha uu soo maray dalka in dad badani xogogaal ka ahayn,waxa aan usoo taagnaa Misaaniyadda Maanta maraysa 400 Milyan oo Doolar in aan soo taagnaa iyada Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alle ha,unaxariistee sariirtiisii hoosteeda oxogaa giinbaara laga soo fanto meeqaamkaa ayaanu usoo taagnan,horta Qaranka halkaa ayaa laga soo qaaday Maanta meesha aynu joogno waad u jeedaan.waxaana la rabaa in halkaa ka sii amboqaadno si ay taasi u dhacdo waa in aynu noqono Qaran wada shaqeeya”.

 

 

Leave a Reply