Buugga Waxqabadka Xukuumada ee 2021-ka oo la Daah-furtay

0
824

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa (Dawan)- Xubno kamida Golaha Wasiirrada, masuuliyiinta laamaha xukuumadda iyo marti-sharaf tiro badan ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu daah-furay buugga waxqabadka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee sanadkii 2021-ka habeenkii jimcaha oo ay taariikhdu ahayd 20/01/2021.

Buugga waxqabadka xukuumadda, ayaa lagu soo uruurriyey mashaariicdii kala duwanayd ee laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka, kuwaasoo ka badan 130 mashruuc.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Md. Maxamed Cali Bile oo ugu horayn xaflada hadal ka jeediyey, ayaa ka waramay faa’idooyinka ku jira bandhigga buugga waxqabadka xukuumadda, isagoo sheegay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in xog sugan laga helo waxyaabaha ka fulay qorshaha sanadlaha ah ee hay’addaha dawladda.

“waxqabadka oo warbixin laga diyaariyaa, waxay qofka, dawladda iyo bulshada siinaysaa, in laysku qiyaaso oo laysu eeggo wixii la qorsheeyey iyo wixii ka qabsoomay, si uu isu barbar dhigo oo uu u fahmo ilaa heerka ay waxqabsoomeen.

faa’iidada labaad ee Buugga waxqabadku leeyahay waxa weeye in xukuumadda iyo bulshaduba xog kala hesho oo ay hay’ad walba oo xukuumaddeed ogaato wixii ay kuwa kale qabteen”ayuu yidhi Maxamed Cali Bile.

Suxufiga Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumaddu sanadkii 2021 xoogga saartay siyaasadda arrimaha dibada, si kor loogu qaado meeqaamka diblomaasiyadddeed ee Qaranka.

Waxa uu tilmaamay inay dalka xafiisyo ka furteen dalal cusubi Safaaraddo, sida Kenya, Imaaraadka iyo kuwo kale, iyadoo geesta kalena wufuud ka socda JSL ay socdaallo ku tageen wadamo kala duwan oo caalamka ah.

“waxyaabaha muhiimka ah waxa kamida doorashadii isku lamaanayd ee dalka ka qabsoontay oo ay xukuumaddu ku bixisay lacag ilaa 17 Milyan oo Dollar-ka maraykanka ah”ayuu yidhi isagoo intaa raaciyey “dalku wuxuu ka kooban yahay 101 degmo, kuwaasoo dhamaantood la gaadhsiiyey miisaaniyad kab ah sanadkii 2021-ka”

Wasiir ku-xigeennada wasaaraddaha waxbarashada iyo caafimaadka oo halkaasi hadallo ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey buuggan lagu soo koobay waxqabadka xukuumadda, iyagoo ku tilmaamay mid laga dheehan karo dedaalka iyo horumarka qaran ee ay hogaaminayso xukuumaddu.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali mareexaan), ayaa ku nuux-nuuxsaday dawladnimada iyo nololsha bulshada JSL ay korayaan oo ay marba heer taagnaayeen, halka ay hadda marayaana ay tahay meel looga qiyaas qaadan karo taabo-gal iyo horumar tolmoon.

Wasiirku waxa uu hogga-tusaalleeyey in heerka waxqabad ee xukuumaddu ka muuqdo ilaha koboca dhaqaalaha, dhismaha kaabeyaasha aasaasiga ah iyo horumarka lagu sameeyey hannaanka adeeg-bixinta xafiisyada dawladda.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo munaasibad ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharaxay sida ay xukuumaddu u maamushay qorshihii ku-talo-galka miisaaniyadda ee sanadkii 2021, fulinta mashaariicdii ku jiray iyo habka loo jiheeyey guud ahaan nidaamka xisaabeed iyo habsami-dhaqaaleed ee dalka.

Wasiir Sacad waxa uu faahfaahin ka bixiyey xogta waxqabad ee uu buuggani xambaarsan yahay, isagoo yidhi “Buuggu wuxuu ka kooban yahay 120 Bog, waxa uu ka kooban yahay waxqabadka 37 Hay’addood. waxa qorshihii sanadkii 2021-ka miisaaniyadda inoogu jiray inaynu ka maalgelino 103 mashruuc oo isugu jiray dhismeyaal, qalab iyo gaadiid. waxa inoo suurto-galay in sanduuqa boqolkiiba laba ee gobolada Bariga ka maal-gelino ilaa todoba mashruuc.

Waxyaabaha kale ee inoo suurtogalay waxa kamida diwaangelinta hantida qaranka guud ahaan, in la sameeyo ururka xisaabiyeyaasha dalka, waxa inoo suurtogalay in nidaamka electronic-ga maaliyaddeed wada gaadhsiino hay’addaha xukuumadda, kuwa dawladdaha hoose iyo laamaha madaxbanaan-ba”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad oo hadal dheer ka jeediyey madasha, ayaa sheegay inay xukuumaddu sanadkii 2021-ka si aad ah ula dagaalantay sicir-bararka, isla markaana ay ilaalisay in aan qiimaha shillinku hoos-u-dhicin.

“sanadkan waxa qorshaha inoogu jira in aynu samayno ilaa konton Milyan oo cashuur dhaaf ah si aynu u dhiiri-gelino wax-soo-saarka wershadaha, beeraha, kalluumaysiga iyo maalgashiga wax-soo-saarka”ayuu raaciyey Wasiir Sacad.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore) oo khudbadaha laga jeediyey xaflada soo gunnaanaday, ayaa si weyn ugu mahad-naqay qaybaha kala duwan ee isku-soo-duba riday bandhiggan waxqabadka xukuumadda, waxaanu xusay in barmaamujkani hagge iyo hoggaamiye u yahay hannaanka isla-xisaabtanka iyo wada-socodka bulshada iyo Dawladda.

Wasiir Koore waxa uu intaa ku daray in dhismaha iyo horumarka dalku soo maray marraaxil kala duwan, kana soo gudbay duruufo adag dhaqaale iyo kuwo nabad-gelyada.

 

Leave a Reply