“Shacabka Somaliland Ma Khaldi Karo Qof u Ujeeddo Gaara leh” Afhayeenka Xisbiga Kulmiye

0
315

Hargeysa (Dawan) Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Cabdinaasir Buuni oo Shalay Shir,jaraaid ku qabtay Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa oo ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Xirsi Cali Xaaji Xasan.Waxaaana uu yidhi”Waxa ayaan darro in Xirsi shacabka Somaliland ka xishoon waayay oo uu dhaawaco Qaranimadooda iyo Midnimadooda,waxaana shacabka Somaliland xusuusan yihiin in Xirsi dalka ka soo qabtay Saddex xilka koowaad waxa uu ahaa in Xisbiga Kulmiye ku matalo Kooomishanka Doorashooyinka Doorashadii Sannadkii 2010 dhacyday,waxaana xusid mudan in xilkaa xili aan habeena ahan Maalina ahan ayuu iska casilay,Xukuumadii xiligaa jirtay Daahir Riyaale ay ku warheleen in Saddex Seeraf kurka ka jaray Ciidamada Nabedgalyada ay soo qabteen Magaalada Burco isaga oo ku hubaysnaa hub mambo gacanta ku sita kuna jeeni qaaran qori,waana la xidhay Garsoorka ayaana la hor geeyay ka dibna damaanad ayaa lagu sii daayay,si caadada iyo fudaydka ahaydna

Waxa uu iskacasilay Xisri Wasiirka Madaxtooyadda Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay taas oo u eekayd in qilaab dhicisoobay,”.

Cabdinaasir Buuni ayaa waxa uu tilmaamay in Xukuumadda ka go,an tahay in Doorashada Madaxtooyadda wakhtigeedii lagu qabto.Waxaana uu yidhi”Waxaana ka go,an Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland in Doorashada Madaxtooyadda wakhtigeedii lagu qabto,waxaana Xisbiga Kulmiye dalka ka qabtay labadii Doorasho ee isku sidkanaa Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka waxaana labo sanno hor taagnaa qabashada doorashooyinkaa Xisbiga Waddani oo dacwad aan sharciga waafaqsanan ka keenay gudida Doorashooyinka hadii cidi doorasho hor istaagayso Waddani ayaa Doorashada hor taagnaa,”.

Sidoo kale Afhayeenka Kulmiye ayaa waxa uu sheegay in qof u jeedooyin gaara lihi aanu qaldi karin Shacabka Somaliland.Waxaana uu yidhi”Shacabka Somaliland ma, qaldi karo qof u jeedooyin gaara leh Doorashooyinka Somaliland,waxa wakhti kooban ka hadhay muddo xileedkii Saddexda Xisbi.waxaana Doorashada Madaxweynaha u tartami doona Saddexda Xisbi ee ka soo baxa Doorashada Ururada Siyaasada,waana wax aad loola yaabo hadalada baryahan ka soo yeedhayay Xirsi,waxaana lays waydiinayaa goorta Xirsi uu ka tagi doono sidii caadada u ahayd Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,waxaana uu ku sifoobay Xirsi in uu noqdo kuwa marka ay wax khiyaameeyaan ee ku faraxsan waxa ay sameeyeen waxa uu ku fikirayaana Somaliland kama suurta galayaan waxaana aan u sheegayaa in dalka laga qaban doono oo sharciga hor istaagi doono

 

 

 

Leave a Reply