Waa Sidee Gool-dhalinta Koobka Afrika, ka dib Dhamaadkii Wareegga Group-yada?

0
258

Waxa soo dhamaaday wareega Group-yada Africa iyada oo la galayo wareega 16-ka ee tartanka qaarada kaas oo meel xiiso leh.

Koobka Africa ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo xulalka iska xaadiriyay wareega 16-ka ay isha ku hayaan in ay sii wataan tartanka.

Xiddiga ahna kabtanka xulka Cameroon ee Vincent Aboubakar ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan koobka Qarmada Africa ee sanadkan isaga oo ilaa haatan dhaliyay 5 gool.

Waxa ku xiga xiddiga xulka Mali ee Ibrahima Kone ayaa ku xiga isaga oo dhaliyay 3 gool ilaa haatan wareega Group-yada koobka Africa ee sanadkan.

Dhanka kale 8 xiddig oo kale ayaa dhamaantood isku goolal ah iyaga oo min 2 gool ka dhaliyay koobka Africa ilaa haatan tartanka.

Vincent Aboubakar (Cameroon) 5

Ibrahima Kone (Mali) 3

Ablie Jallow (Gambia) 2

Ahmed Mogni (Comoros) 2

Gabadinho Mhango (Malawi) 2

Jim Allevinah (Gabon) 2

Karl Toko Ekambi (Cameroon) 2

Nicolas Pepe (Ivory Coast) 2

Sofiane Boufal (Morocco) 2

Wahbi Khazri (Tunisia) 2

Leave a Reply