Hay’adda Dhawrista Tayada oo Burco ka bilowday Baadhitaano

0
279

Burco- Hay’adda Dhawrista Tayada ayaa hawlgalo ay ku baadhayaan tayada daawooyinka yaala bakhaarada iyo Farmasiyada ka bilowday magaalada Burco.

Isu-duwaha Hay’adda Dhawrista Tayada ee gobolka Togdheer Mr Cabdifataax Axmed Hurre oo ka hadlayey ujeedada hawlgalada ay ka bilaabeen magaalada Burco ayaa sheegay inay bakhaarada dawooyinka lagu keydiyo baadhitaano ka wadaan, isla markaana saddexdii usbuuc u dambeeyey hawlgaladan baadhitaanu socdeen.

Waxuu sheegay in Hay’adda dhawrsita Tayadu Qaranka Somaliland masuul uga tahay ilaalinta tayada badeecadaha soo gelaya dalka, ama kuw adalka gudahiisa lagu farsameeyo, si loo ilaaliyo bedqabka iyo caafimaadka bulshada Somaliland.

Mr Cabdifataax ayaa sheegay inay samayn doonaan kormeer suuqyada iyo mid Warshadaha wax-soo-saarka, lagula soconayo tayada dhamaan badeecadaha bulshadu adeegsato.

Waxuu amaanay ganacsatada bakhaarada leh oo u sheegay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen mudadii ay hawlgalada baadhitaanada ku jireen.

 

 

 

 

 

Leave a Reply