Maaraynta Nolosha Iyo Cimilada Deegaanka

0
662

Magaalada Salekhard ee ku taalla dalka Ruushka ayaa noqotay magaalo dunida inteeda kale ka duwan, taasina waxa keenay goobta ay dunida ka Joqoraafi ahaan kaga taallo iyo caadooyinka iyo dhaqanada dadka degani ay leeyihiin.

Magaalada Salehard waxa ay dhacda loolka 66 ee waqooyi, waxaana la asaasay sanadkii 1595, iyadoo wakhtigaasi ahayd qalcadii kooxdii Cossack oo ahayd bulsho aaminsanayd mad-habta Orthodox ee Kiristaanka oo xukumi jirtay.

Salehard waxa wakhtigan ku nool dad gaadhaya 49214 qof,  waana qiyaas tiro koob oo laga qaaday sanadkii 2018. Waa deegaan baraflay ah, cimilada magaaladan ayaa ah mid aad u qabow kaasi oo ka hooseeya derjada  “0”, isla markaana uu heerka qabowgu derejada -29.  Laakiin haddna qabowgaasi dadku si joogto oo yaab leh ayay ugu dhex nool yihiin dhulkaasi cimilada baraflayda ah.

Bulshada deggani waxa ay ka dhisteen guryo qurux badan , waxaana ay leedahay suuqyo ganacsi, dugsiyo iyo dhamaan kaabayaasha nolosha oo dhan.

 

Magaaladan Salekhard oo dadka dalxiisayaashu aad u jecel yihiin ayaa dhaqaale badani uga soo xeroodaa. Waxaana ay dalxiisayaashu aad ula yaabaan qaabka ay dadkani ugu nool yihiin cimilada magaaladan wakhtiga intiisa badan barafka ah. Salekhard waa xarunta gobolka Yamalo-Nenets ee dalkaasi. Inkasta oo nolosha baraf tahay haddana dhaqaalaha magaalada waxa qayb weyn ka qaatay dalxiiska aan kala joogsi lahayn ee booqnaya, taasi oo kor u qaaday dakhliga bulshada deegaanka. Bulshadani waxa ay si fiican u maareeyeen hab nololeedka magaalada dhinac kasta.

Leave a Reply