Lukaku, Grealish & 8-da Saxeex ee Ilaa Haatan ku Fashilmay Premier League

0
501

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa ah mid xiiso leh oo ay taageerayaashu si dhaw ula socdaan xilli ay kooxohoodu sameeyaan saxeexyo ay ku xoojiyaan kooxdooda.

Laakiin Xiddigaha suuqa Xagaaga ku soo biira ayaan inta badan noqon kuwo guulasta ama kuwo soo bandhiga qaab ciyaareedka laga filayo xiddigaha ku biira kooxaha.

Suuqii xagaaga la soo dhaafay kooxaha premier League ayaa sidii caadada ahayd sameeyay saxeexyo waaweyn iyaga oo xoojiyay kooxohooda si ay ugu tartamaan xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddigihii xagaaga ku soo biiray kooxaha premier League ayayna kuwo badan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay iyaga oo aan si fiican u ciyaarin.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 8-da xiddig ee ilaa haatan u muuqda kuwo fashilmay kadib markii ay xagaagii ku biireen kooxaha premier League.

Romelu Lukaku

Lukaku ayaa loo keenay chelsea in uu noqdo xiddig dhamaystira chelsea laakiin xiddiga ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya Blues isaga oo kaliya dhaliyay 10 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isaga oo aan muujin in uu u qalmo lacagtii 97 ee laga bixiyay.

Jack Grealish

Grealish ayay u badantahay in uu ku guulaysto premier League dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin xiddiga reer England ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii Man City ku qanciyay in ay ka bixiso lacag dhan 100 milyan.

Xiddiga reer England ayaan dhalin goolal badan sidoo kale aan ku lug lahayn goolal badan ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Jadon Sancho

Sancho ayaa Man United ku soo biiray iyada oo rajo weyn laga qabo laakiin xiddiga reer England ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican ilaa haatan xilli ciyaareedkan waxana uu la kulmay dhaleecayn xoogan badan.

Ben White

Inkasta oo uuna xiddigan ahayn sida xiddigaha kor ku xusan hadana ma uusan soo bandhigin qaab ciyaareed u qalma lacagtii laga soo bixiyay xagaagii oo ahady 50 milyan oo euro.

Xiddiga reer England ayaa loo doortay in uu horumariyo difaaca Arsenal laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu xal u noqdo difaaca Arsenal iyada oo Arsenal laga dhaliyay goolal badan xilli ciyaareedkan.

Emerson Royal (Tottenham)

Saul Niguez (Chelsea)

Salomon Rondon (Everton)

Billy Gilmour (Norwich)

Leave a Reply