Waxyaabaha u Qabsoomay Hay’adda Qaxoontiga JSL

0
295

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland, mudane Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa sheegay in qaxoontiga dalka jooga ee ay hubiyeen ay yihiin 15-kun oo isugu jira Qaxoonti iyo magangeliyo doon.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ka hay’ad ahaan ku guulaysteen in dadka Qaxoontiga ah ee dalka ku sugan ay u sameeyeen kaadh aqoonsi oo laf ah, iyaga oo kaashaya hay’adda UNCHR. Guddoomiye Xinif, ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday in ay diideen in la diwaangeliyo dadka Qaxoontiga Suuriyaanka ah ee dalka ku sugani.

Waxa uu sheegay in arrintooda la weydiiyo, isla markaana lagala xisaabtamo xarunta laanta socdaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland. Waxaa uu sidan ka sheegay su’aal u weydiiyay wariye madax bannaan, oo ka mida warbaahinta madaxa bannaan ee ka hawlgasha magaalada Hargeysa.

Guddoomiye waxa jira dad ka hor dawarsada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka hortiisa iyo wasaaraddaha inta badan mudan maamuska arrintaas oo ay hay’addu u xilsaaran tahay dadkaasi sidii shaqo abuur ugu samayn lahayd sow lama odhan karo arrintaas waad ku fashilanteen?

Waxaanu guddoomiyuhu sidan ka sheegay barnaamijkii waxqabadka iyo isla xisaabtanka xukuumadda iyo bulshada. Guddoomiye Xinif oo si kooban uga waramay qodobada ugu mihiimsan waxyaabihii ka hay’ad ahaan u qabsoomay waxa uu yidhi. “Qaxoontiga dalka jooga ee aanu hubinay waa 15 kun oo qof oo isugu jira qaxoonti iyo magangelyo doon, sidoo kale waxaa aanu ku guulaysanay in aanu qaxoontiga u sameyno Kaadh aqoonsi laf ah oo ay nagala shaqeysay UNHCR .

Waxaanu hadda ku jirnaa shan dhisme oo dawladdu leedahay, iyadoo aanu ku bilownay shaqada aanu Qaranka u hayno guri kiro ah, oo cid gaar gaar ahi lahayd.

Ma jiro qof reer Somaliland ah oo Yurub khasab lagaga soo celiyaa, waxaanu soo celinayaa qofka ikhtiyaarkiisa ku doorta inuu waddankiisa ku soo noqdo

Dadka aanu diidno in dibadda laga soo celiyo Soomaaliya oo la ina dabo-dhigay ayaa la geeyaa oo lagu qubaa.”

Waxaau yidhi.“Qofkasta oo Ajaanib ah oo waddanka soo gala macnihiisu maaha in uu Qaxoonti yahay, marka hore waa soo galeyti, sharci haku soo galo, ama sharci darro haku soo galo.

Dadkani waa run oo way jiraan inta aad sheegaysana waa ay joogaan, waana Suuriyaan bulshadaasi, waliba dabeecadiina dad badan ayay qaadsiiyeen imika, dadkaasi waa dad socota, Sudan ayay ka soo lugeeyeen Itoobiya ayay soo maraan, halkan ayay soo galaan, waa dad diiday in aanu diwaangelino, dad reer Somaliland ah oo laga yaabo in ay halkan joogan ayaa xatta guryo u kireeyay, oo raashin u dhigay, waydiideen oo waa ay ka baxeen, Hudheelo ayay seexdaan, marka dadkaasi dad annaga ka hay’ad ahaan na soo hoos gala maaha mar haddii aanay Qaxoontinimo noogu diwaangashanayn, oo ay diideen in loo diwaangeliyo, isla markaana ay sidan ugu badiso, walibana la leeyahay waa dhaqan ay leeyihiin dalkooda marka ay joogaan, marka Qaxoonti nooma aha anaga.

Arrintaasina waxa la waydiinaya ciidanka laanta socdaalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha, dadka waddanka soo gala ee aan Qaxoontinimada isku dhiibin,”

 

 

 

Leave a Reply