Wefti Baarlamanka Ingiriiska ah oo booqday Dekeda Berbera

0
350

Berbera (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo wefdi xildhibaano uu hogaaminayey oo booqasho ku Dekeda Berbera ayaa boqaadiyey horumarinta iyo casriyeynta Dekedda Berbera, isla markaana sheegay inay kaalin ka qaadan doonto kor-u-kaca dhaqaalaha Somaliland.

Wefdiga Wasiir Dr Ciise oo qeyb ka ahaayeen Xildhibaan Gavin Williamson oo hore Baarlamaanka Ingiriiska u hor geeyey dood ku saabsanayn ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xildhibaano kale, ayuu xildhibaan Williamson oo warbaahinta la hadlay sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarinta iyo casriyeynta lagu sameeyey Dekedda Berbera, isagoo yidhi,

“Waxa sharaf weyn ii ah in aan halkan joogno dekedda Berbera, oo maal-gashi la yaab leh ka socdo, aan ahaynd shirkada DP World keliya. Runtii shirkada DP World iyo xukuumada Ingiriisku way maalgelinayaan Somaliland, sababtoo ah, Waxaan aragnaa mustaqbalka, waxaan aragnaa awoodeeda oo aan aqoonsannahay, inay hogaamin doonto dhammaan bariga Afrika. Arag maalgelinta, arag waxa dhacaya,” ayuu yidhi Xildhibaan Williamson.

Madaxda shirkada DP World ee maamula dekeda Berbera ayaa warbixin ka siiyey wefdigii xildhibaanada baarlamaanka Ingiriiska ee la socday Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise socdaalkooda magaalada Berbera shalay.

Wefdiga xildhibaanada oo ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka oo uu hogaaminayey Safiirka JSL ee dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillahi Dayaxweerar oo Khamiistii dalka soo gaadhay, isla markaana Wasiirka Khaarajigu ku soo dhoweeyey madaarka Ciqaal ayuu khamiistii 17th February 2022, Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

 

 

Leave a Reply