Ciidanka Booliiska Somaliland oo iska fogeeyay Eedo Xisbiga WADDANI u Jeediyay

0
294

, cid ajinabi ah iyo cidkasta oo dalkan Somaliland ku sugan in ay nabadgalyadooda sug Hargeysa (Dawan):-Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa iska fogeeyay warar ay mucaaradku ku sheegeen in ciidanka booliiska Somaliland, ay guriga Musharaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro weerareen.

Gaashaanle sare Cabdi Cali Xayd, oo u hadlay ciidamada booliiska, ayaa sheegay in ciiidanku ay u gurmanayeen muwaadin reer Hargaysa ah, oo koox tuugo ahi rabshaysay.

 

Waxaanu yidhi.”Markay sacaadu 3:00am ahayd waxa heeganka soo garaacay ninka la yidhaa Daa’uud Guulleed Axmed oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo dagan xaafada Hodan Hills, oo ay sakhraamiini rabshayeen, isaga oo soo hagaya ayay ciidankii heeganka ahaa ku bexeen goobtii”.

Waxaa uu xusay in waxa warbaahintu la wadaagaysaa bulshada ay noqdaan wax la caddayn karo hadhaw haddii loo baahdo.

Waxaanu yidhi.“Warbixintaasi laguma tilmaami karo mid dhab ah, balse waxay ay tahay mid la buun buuniyay, si qaldana loo soo gudbiyay, sida aynu ka warqabno, marka wariye war qorayo in warka uu bulshada la wadaagaya waa inuu noqdo mid dhab ah oo la taaban karro, oo berri haddii laga daba tago uu caddayn karo,”

 

Gaashaanle Cabdi Cali waxa uu sheegay in kadib markii ciidanku howlgalka kasoo noqdeen in toosh indhaha lagaga qabtay, kadibna loo sheegay in ay soo leexdaan, intaa kadibna rasaas la huwiyay, lakiin anay ciidanku wax jawaab ah ka bixin rasaasta.

 

Waxaanu yidhi.”Markii laga soo noqday, oo wadada laamiga la marayo, ayaa waxa dhacday labadii baabuur mid kamid ah tooshash lagu qabtay, waxana la yidhi soo leexo   isla markiina rasaas ayaa lagu bilaabay, rasaastaasi waxay noqonaysa mid sharci daro ah,  ciidankuna wax jawaab ah kama bixin”.

 

Waxa uu sheegay in booliisku u xilsaaranyahay sugida amniga mucaarad iyo muxaafadba.

Waxaanu yidhi.”Booliisku wuxuu u xilsaaranyahay, mucaarad iyo muxaafad aan.”

 

Ugu danbayntii waxa uu sheegay in booliisku ay arrintaa baadhisteeda gali doonaan, isaga oo danbi wayn ku tilmaamay in guriga Cirro la weeraro “Waa danbi adag marka la leeyahay musharixii madaxweynaha ayaa la weeraray”.

 

 

 

Leave a Reply