Komishanka Xuquuqal Aadamaha Somaliland oo Soo Kormeeray xaalada Xabsiyada Gobolka Awdal

0
327

Borama (Dawan) Komiishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka Somaliland isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa waxa uu kormeerkiisii joogtada ahaa, ku tegay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Kormeerkan oo u hoggaaminayay komishaneer Cabdirashiid Siciid Cilmi,  isla markaana ay safarkan shaqo ku wehelinayeen saraakiil ka tirsanka Komishanka,  ayaa ahaa mid  ay ugu kuur galayeen xaaladda xabsiga weyn ee magaaladda Boorama, Saldhiga dhexe iyo Saldhiga Bariga ee magaaladaas.

Kormeerkanka ayaa ujeedadiisu ahayd  sidii komishanku xog ogaal ugu noqonlahaa  xaaladaha guud ee maxaabiista ku sugan gobolka Awdal iyo daryeelkooda, waxaanay  sidoo kale warbixino kala duwan ka dhagaysteen saraakiisha ku sugnayd gobahaas.

 

Taliyaha xabsiga dhexe ee gobolka Awdal Siciid Xuseen Caynaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay kormeerka koomishanku ay ku tageen xabsiga weyn ee magaalada Borama iyo xaalada maxaabiista ay la kulmeen.

Waxaanu yidhi. “Waxa xabsiga Borama nagu soo booqday xubno ka socda guddida xuquuqal iinsaanka Qaranka, oo uu hoggaaminayo Eng Cabdirashiid, aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa, si fiican ayay waajibaadkooda u guteen, wixii ay u baahnaayeena waanu u sheegnay, shaqo wanaag ayaa naga dhaxeeya”

“Saldhigyadii iyo rugihii gobolka oo dhan hoos imanayay waxa aanu ku amarnay in ay waftiga ka socda koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka ay u sii daayaan, isla markaana ay warbixino ka siiyaan, wixii wanaag iyo xumaan ah ee aad kala kulanteena waad sheegaysaan, anago idinka qabna kalsooni buuxda,”

Guddoomiyaha komishanka xuquuqal iinsaanka gobolka Awdal, Jaamac Cige Muuse “Anaga oo ah komishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka,  waxa aanu booqanay xabsiga dhexe ee gobolka si aanu ugu kuurgalo xaalada maxaabiista iyo adeeg bixinta dhanka nadaafada”Ayuu yidhi taliyaha hawlgelinta ciidanka booliska ee gobolka Awdal.

Komishaner Cabdirashiid Siciid Cilmi, ayaa sheegay in ay si qoto dheer u waraysteen xaalada maxaabiista ku jirta jeelasha iyo saldhigyada kala duwan ee gobolka Awdal iyo degaanada hoos yimaada.

Waxaanu yidhi. “Sida aad ka warqabtaanba wada shaqeyn ayaanu leenahay, waana kormeer aanu ku soo maraynay jeelashada iyo saldhigyada gobolka Awdal, waanu ku ammaanayna taliyaha ciidanka asluubta amarka uu siiyay taliyihiisa jeelka iyo ka warbixinta xogihii aanu uga baahnayn, si waafaqsan xeerarka dalka u yaala ee arrimaha xuquuqal iinsaanka, waxa aanu waajibkayagii ka soo gudanay maxaabiista halkaasi ku xidhan iyo waxyaabihii ay u baahnaayeen, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqaya taliyaha iyo ciidankiisaba”

Leave a Reply