Hay’adda Barakacayaasha oo soo kormeertay 6 Kaam oo ku Yaala Gobolka Saraar

0
269

Caynaba (Dawan) Masuuliyiin ka socota hay’adda  Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa  maanta kormeer  ku soo maray lix kaam oo ka dhisan gobolka Saraar.

Ujeedad kormeerka ayaa ahayd mid u kuurgalida iyo sidii xog dhamaystiran looga heli lahaa baahiyaha ka jira kaamamka dhexdooda iyo sidii loo heli lahaa xog dhamaystiran oo ay ku hawl gasho hay’addu, waxaanay mid mid u waraysteen dhamaan guddida kaamakaasi iyo  qaarka mida dadka dagan kaamamka.

Waxaana ka mid ahaa masuuliyiintaasi isu-duwaha gobolka Saraar ee hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha , agaasimaha waaxda barakacayaasha , agaasimaha waaxda qorshaynta  iyo madaxa kaamamka ee hay’adda.

Dadka ku xaraysan Kaamamkan ayaa ah bulshadii ku caydhowday abaarihii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay.

 

Leave a Reply