Sheekh Maxamed Haybe oo ka Dayriyay xaalada Nololeed ee Dalka haddii aan waxba lala soo bixin

0
286

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Haybe, oo ka mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa bulshada ka waaniyay macaasida iyo xumaanta, oo uu sheegay in ay sabab u tahay abaaraha daba dheeraday ee soo noq noqonaya, xannuunada mashaakilaadka wata iyo sicir bararka bulshada naafeeyay.

Sidoo kale waxa uu bulshada ugu baaqay in laga faa’idaysto  Nimcooyinka ILLAAHEY, ee roobku ka mid yahay, isla markaana wax la beerto si tuugsiga iyo ku    tiirsanaanshiyaha cid kale looga baxo.

Waxa uu hoosta ka xariiqay haddii dalalka wax inoo soo dhoofiya ay joojiyaan waxa ay inoo keenayaan, ee qowtal daruurigu ugu horeeyo in bulshadu ciida cuni doonto.

Waxaanu yidhi.“Waxa inala gudboon laba arrimood labadaba, marka koobaad in aynu iska ilaaliyo macaasimada iyo xumaanta sabab inoogu noqonaysa in abaaruhu inagu dheeraadan, in sicirku kor inoogu kaco, in khilaafaad yimaadaan, in shaqo la’aantu badato,  iyo mashaakilaadka xannuunadu la yimaadaan,  iyo mashaakilaadka kale ee daba socda ee macaasidu sabab u tahay, in aynu iska ilaalino, iskana waanino.”

Dhanka kale waxa uu bulshada ugu baaqay in laga faa’idaysto  Nimcooyinka ILLAAHEY, ee roobku ka mid yahay, isla markaana wax la beerto si tuugsiga iyo ku    tiirsanaanshiyaha cid kale looga baxo.

Waxaanu yidhi.“Mar labaadka in aynu ka faa’idaysano Nimcooyinka ILLAAHEY, ee roobku ka mid yahay, in aynu wax beerano oo wax la soo baxno oo aynu ka baxno tuugsiga iyo ku tiirsanaanshiyaha cid kale, bal ka warama haddii dadku wixii ay soo dhoofsanayaan ee inoo yimaada la inaga joojiyo, bariiska daqiiqda iyo sonkorta haddii la waayo sow dadku ciida cuni maayaan.”

Waxa uu hoosta ka xariiqay haddii dalalka wax inoo soo dhoofiya ay joojiyaan waxa ay inoo keenayaan, ee qowtal daruurigu ugu horeeyo in bulshadu ciida cuni doonto.

Waxaanu yidhi. “Waddankeenu wuu dihin yahay ee in aynu wax la soo baxno, oo qofkasta oo inaga inaga mid ahi uu  wax la soo baxo, basle qofku marku isku filaansho gaadho waxa uu yeelanay awood uu mawqif cad ku qaato, marka waa in aynu ku dadaalo wax-soo-saarka, oo la furo jaamacado lagu barto wax-soo-saarka iyo sida wax loo beerto, iyo midhaha sida loo soo saaro, qofkastana waxa uu doonaya in uu fayl qaato oo xafiis fadhiisto nin u diyaar ah in uu beera qoto mana wada helayno wada wasiiro, agaasimayaal madaxweyneyaal.”

Gaba’gabadii waxa uu bulshada ku waaniyay in la sameeyo jaamacado lagu barto cilmiga horumarinta beeraha, isaga oo da’yarta faray in waddankooda ay aaminaan isla markaana ay wax-soo-saarka dhinaca beeraha xooga saaraan si baahida looga baxo.

Waxaanu yidhi.“Marka aynu ka faa’idayno biyaha iyo nimcada bulshooyinku waxa ay isku dhaafeen wax-soo-saar, wax alle wax aynu isticmaalo khudrad haday tahay iyo raashin haday tahay, iyo agab kale haday tahay iyo wixii dhirteena aynu ka qoran jirnay isaga oo caag ah ayaa dibedda la inooga soo dhoofiyaa.

Da’yarta waxa aynu leenahay ilaa aynu dhulkeena aamino oo wax kala soo baxno baahi ka biximayno”

 

Waxaanu sidan ka sheegay khudbadii Jimcaha ee shalay uu ka marinayay Masjidul Rashiid ee magaalada Hargeysa.

 

 

Leave a Reply