Isbeddelka ku Dhacay Liiska Mushaharka Ciyaartoyda Bayern & Halka uu Sadio Mane kaga Jiro

0
212

Mushaharka ciyaartoyda Bayern Munich ayuu isbeddel ku dhacay, kaddib markii ay kooxdaasi u dhaqaaqdhay saxeexa xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane oo maalinta Salaasada tijaabada caafimaadka ugu mari doona Allianz Arena.

Bayern Munich ayaa bixin doonta £35 milyan oo Gini oo ay kula wareegayso Mane, iyadoo Liverpool ay aqbashay dalabkan ugu dambeeyey kaddib laba jeer oo hore oo ay kooxda Jarmalku soo gudbisay dalabyo xambaarsanaa lacag ka hoosaysa Inter.

30 jirkan ayaa heli doona mushahar laba-jibbaar iyo ka badan ka sarreeya midkii uu ka qaadan jiray Liverpool, hase yeeshee kaalinta siddeedaad ayuu kaga jiraa liiska mushaharka Bayern Munich, waxaana jira toddoba laacib oo kale oo ka  mushahar badnaan doona.

Sadio Mane ayaa u xaadiri doona £250,000 Gini toddobaadkii, halka Liverpool uu ka qaadan jiray £100,000 Gini usbuucii, waxaana marka uu tijaabada caafimaadka maro Salaasada la filayaa in si rasmi ah ay kooxdu u shaaciso mushaharkiisa iyo sidoo kale lambarka uu xidhan doono.

Robert Lewandowski ayaa ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Bayern Munich, waxaanu toddobaadkii u xaadiraa lacag gaadhaysa £369,000, waxaana ku xiga goolhaye Manuel Neuer oo dhowaan heshiis cusub saxeexay, mushahar ahaana u qaatay £321,000 toddobaadkii, waxaanay isku mid yihiin Thomas Muller halka ciyaartoyga afraad ee liiska saddexda boqol ee kun toddobaadkii uu soo galay Joshua Kimmich.

Lereoy Sane, Leon Goretzka iyo Kingsley Coman oo min £273,000 qaata toddobaadkii ayaa iyaguna ka sarrayn doona Sadio Mane oo mushaharkiisu noqonayo £250,000

Halkan kaga bogo liiska  mushaharka ciyaartoyda Bayern Munich

Josip Stanisic | £15,000-toddobaadkii

Sven Ulreich | £25,000-toddobaadkii

Omar Richards | £40,000-toddobaadkii

Bouna Sarr | £40,000-toddobaadkii

Marc Roca | £40,000-toddobaadkii

Tanguy Nianzou | £48,000-toddobaadkii

Eric Maxim Choupo-Moting | £63,000-toddobaadkii

Jamal Musiala | £81,000-toddobaadkii

Benjamin Pavard | £81,000-toddobaadkii

Alphonso Davies | £113,000-toddobaadkii

Corentin Tolisso | £113,000-toddobaadkii

Niklas Sule | £113,000-toddobaadkii

Marcel Sabitzer | £113,000-toddobaadkii

Serge Gnabry | £129,000-toddobaadkii

Noussair Mazraoui | £132,000-toddobaadkii

Dayot Upamecano | £144,000-toddobaadkii

Ryan Gravenberch | £165,000-toddobaadkii

Lucas Hernandez | £240,000-toddobaadkii

Sadio Mane | £250,000-toddobaadkii

Kingsley Coman | £273,000-toddobaadkii

Leon Goretzka | £273,000-toddobaadkii

Leroy Sane | £273,000-toddobaadkii

Joshua Kimmich | £306,000-toddobaadkii

Thomas Muller | £321,000-toddobaadkii

Manuel Neuer | £321,000-toddobaadkii

Robert Lewandowski | £369,000-toddobaadkii

Leave a Reply