Liverpool oo si Rasmi ah ugu Dhawaaqday Saxeexii Saddexaad iyo Lambarka Loo Xidhay

0
256

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah saxaafadda ugu soo bandhigtay Calvin Ramsay oo ay kala soo wareegtay kooxda Scotland ee Aberdeen, kaas oo noqonaya saxeexii saddexaad ee ay Reds samaysay xagaagan.

Liverpool ayaa £4 milyan oo Gini kusoo iibsatay Ramsay, waxaase ay lacagtaasi gaadhi doontaa illaa £6.5 milyan oo Gini, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo uu ugu ciyaari doono Reds.

18 jirkan oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta ee Aberdeen ayaa ka ciyaara difaaca midig, waxaanu kooxda koowaad ee Aberdeen usoo dallacay sannadkii hore, isaga oo u saftay 39 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, isla markaana sameeyey sagaal caawimood oo kooxdiisa sabab ugu noqday inay meel dhexe ka galaan horyaalka Scottish Premier League.

Waxa uu kusoo guuleystay abaal-marinta xiddiga da’yarta ahaa ee ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii tegay, hase yeeshee waxa uu Liverpool kursiga kaydka u fadhiisan doonaa Trent Alexander-Arnold oo uu noqon doono midka ka beddela difaaca midig.

Kaddib markii uu heshiiska saxeexay ayuu Ramsay la hadlay warbaahinta, waxaanu yidhi: “Riyadaydii ayaa run ahaantii ii rumowday. Waa xaqiiqo in riyadaydu ay ahayd in aan u ciyaaro Aberdeen, laakiin hadda waa mid kasii weyn oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn, haddii aanay ahaynba kooxda ugu weyn dunida, waa guul weyn oo aan gaadhay waxaanan rajaynayaa  in aan isku dayi doona in aan taageereyaasha usoo bandhigi doono waxa aan samayn karo.”

Calvin Ramsay ayaa waxa uu Liverpool u xidhan doonaa No.22, isaga oo noqonaya saxeexii saddexaad waxaana ka horreeyey Fabio Carvalho iyo Darwin Nunez oo ay Liverpool kala soo wareegtay Fulham iyo Benfica.

Leave a Reply