“Madaxda Xisbiyada Qaranka Ammaan Kooda Dawladda ayaa Ballan Qaaday” Cali Waran-cadde

0
210

“Wixii hadda ka dambeeya ciidan beeleedyo …”

Wadahadaladii u dhexeeyay Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyadda Mucaaradka oo dib u bilaabmay

Hargaysa (DAWAN): Wada hadaladii iyo waan-waantii laga dhex waday xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland oo maalmahan uu hakad ku yimid ayaa la rejaynayaa in ay mar kale dhawaan dib u bilaabmaan.

Arrimaha siyaasadeed ee sababay ama keenay khilaafka u dhexeeya xisbiyadda mucaaradka iyo xukuumadda ee la isku hayay ayaa khuseeyay doorashooyinka iyo furista axsaabta siyaasadda.

Wada xaajoodkaasi oo ay ku hawlanaayeen xubno u guntaday sidii xaaladda loo dejin lahaa oo isugu jiray odayaal, Guurti, madax dhaqameed, siyaasiyiin iyo ragga kale oo qaybaha kala duwan ee bulshadda reer Somaliland kala metelayay.

La taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland siyaasi Cali Maxamed Waran Cadde, isla markaana xubin ka ah ergadda dhex dhexaadinta ayaa ka warbixiyay halka ay marayso hawsha wada hadaladda u socday xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka ah.

Waxaanu sheegay in hawshaasi ay meel wanaagsan marayso, isla markaana gogosha dhex-dhexaadinta deminta khilaafkaasi uu fidiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, halka madaxda xisbiyadda mucaaradka ahna ay aqbaleen.

Cali Waran Cadde, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa cadeeyay in gogoshii wada hadalka ee la isugu iman lahaa ee lagaga heshiin lahaa wixii khilaaf ah ee jira, iyo wixii khaladaad ah ee dhacay sidii la isku tusi lahaa in gogosheedii uu madaxweynuhu dhigay oo ay taallo.

“Arrimihii siyaasadeed ee doorashooyinka khusaynayay, ee furista axsaabta siyaasadda la isku hayay, taanna waxaan halkan ka cadaynaynaa in gogoshii wada hadalka ee la isugu iman lahaa, ee lagaga heshiin lahaa waxa khilaaf ah ee jira, wixii khaladaad ah ee jira na Faraha la isku tusi lahaa, oo uu madaxweynuhu gogoshii dhigay, oo ay taallo.

Madaxda xisbiyadda qaranka na, aanu ugu baaqayno, oo aanu doonayno in ay ka soo qayb galaan. Waxa kaloo aanu u mahad naqaynaa cid kasta, oo ama odayaal ha ahaadaan, ama dad is-xil-qaamaya ha ahaadeene, oo reer Somaliland oo ku hawlan sidii la iskugu soo dhawayn lahaa, xisbiyadda iyo xukuumadda, iyaga na waan u mahad naqaynaa. Khaas ahaan, odayaasha Guurtidda iyo ragga mudadda ka shaqaynayay. Arrintaasi na waxaan rejaynaynaa in ay si dhakhso ah u dhamaato” ayuu yidhi Cali Maxamed Waran Cadde.

Waran Cadde, ayaa u mahad naqay madaxweyne Biixi, oo uu ku tilmaamay inuu meel qiimo badan oo masuuliyadi ka muuqato uu iska taagay arrimihii maalmihii ina dhaafay dhacay.

Sidoo kale waxa uu Waran Cadde, u mahad celiyay murashaxa kursiga madaxweyne-nimo ee xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro, oo isna hawlihii ay wadeen ergadda dhex-dhexaadintu si wanaagsan ugala shaqeeyay, isla markaana ay is af-garad wanaagsan wada gaadheen.

“Waxaan u mahad naqaynaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo arrimihii maalmihii dhawayd jiray, iska taagay meel qiimo badan, oo masuuliyadi ka muuqato. Waxa kaloo aan u mahad naqaynaa murashaxa kursiga madaxweyne-nimo ee xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro, oo isna hawlihii aan wada galnay, si wanaagsan noogala shaqeeyay, is af-garad wanaagsan na laga gaadhay.

Waxaanan shacabka Somaliland u sheegaynaa in wixii maanta (shalay) ka danbeeya, wax farro-taag-taag ah oo danbe aanay jirin. Madaxda xisbiyadda mucaaradkuna aanay u baqan doonin nabad geliyadoodda, ciidan beeleed iyo waxaasina aanay dhexdeena iman doonin. Taasina ay tahay guul, mucaarad iyo muxaafid ba la gaadhay” ayuu yidhi Cali Maxamed Waran Cadde.

Geesta kale la taliyaha gaarka ee madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay ciidan beeleedyo la sheegay inuu qortay murashaxa madaxweyne-nimo ee xisbiga Waddani, kuwaasoo isaga ilaalo gaara u noqonaya.

Waxaana jirtay in habeen hore uu taliska booliska Somaliland war ka soo saaray ciidankaasi la sheegay inuu qortay C/raxmaan Cirro, waxaanay boolisku ku eedeeyeen in ay ka war hayaan in todobadkii u dambeeyay guriga uu musharaxu degan yahay ku soo ururiyeen dad Shicib ah oo si Sharci daro ah u hubaysan.

Kuwaasoo ay sheegeen in ay habeenkii qabtaan shaqo la mid ah shaqada ay ciidanku ka hayaan gurigaas, sidaa darteed waxay boolisku uga digeen musharaxa xisbiga WADDANI iyo Cid kasta oo arrintaa ku hawlan in ay is ka fogayso dadka sharci darada ku hubaysan, iyagoo haysta ciidamadii qaranka ee amnigooda sugayay.

Cali Waran Cadde, oo ka warbixinayay halka ay marayso hawshaasi iyo waxa ay ka qabteen, waxa uu yidhi, “Ayaamahan waxyaabihii khilaaf siyaasadeed ahaa ee jiray, in ay iska dhamaadeen, wixii khilaaf ahaa ee jiray. Maanta na aanay jirin sidii maalmo dhawayd la maqlayay, ciidan beeleedyo, maanta wixii ka danbeeya aan lagu arki doonin magaaladda Hargaysa.

Madaxda xisbiyadda qaranka na amnigoodda ay balan qaaday dawladu in ay ilaaliso, wixii intaa ka siyaado ahina ay noqon doonaan wax laga faraxasho, wixii maanta ka danbeeya, heshiisna lagu wada yahay. Iyadoo la ilaalinayo madax banaanida qaranka, iyo nabad geliyadiisa, iyo midnimadda shacabka reer Somaliland, in wixii khilaaf ahaa ee maalmahan dhacay, in meel la iska dhigo”.

 

 

 

Leave a Reply