Hadaf Haka Dhigan Yool Aan Caddayn!

0
251

Jean-Jacques  waxa ahaa faylasuuf  reer Yurub ah oo ku dhashay  28 Juun 1712 , magaalada Jinefa ee dalka Switzerland. Waxaana falsafadiisu ay saamayn ku yeelatay horumarka dhaqaalaha iyo waxbarashada Yurub. Waxa kale oo uu saamayn weyn ku lahaa Kacaankii Faransiiska.

Faylasuufkan oo qoraa aha ayaa  sheegay inuu aad u jeclaa inuu caan noqdo oo dadka oo dhami ay bartaan, isla markaana uu ku dadaalay arinkaasi, ilaa uu gaadhay yoolkiisa caanimada.

Jean-Jacques   ayaa cadeeyay in arinkaasi uu ku khasaaray oo fashil ku dhamaday. Waaxaana uu ku soo koobay  qoraalkan :

 

“ Markii  aanu  qofna aqoon ii lahayn, waxaan aad u xiiseeyay in dunida oo dhan la iga barto, waxaana ay ahayd yoolka keliya ee aan lahaa, wakhtiga badan iyo dadaal xooggana waan ku bixin jiray.

Laakiin waxa aanan weligay ka fikirin waxa aan qaban doono marka aan caan noqdo ee dadka oo dhami ibartaan.

Laakiin maanta oo aan gaadhay hadafkayga ah in aan caan noqdo oo dadka oo dhami magacayba bartaan waxaan dareemayaa in yoolkaasi uu fashil iigu dhamaaday, weliba aya ay ahayd fikir khalad ah in aan ku dadaalo in aan caan noqdo.

Maanta anigu dadka waan ka dhuuntaa, maxaa yeelay meel kasta oo aan tago way igu soo ururaan oo  wareeriyaan. Xataa dadkaasi iima ogolaadaan in ay isiiyaan  fursad yar oo aan ku fikiro.

Waagaasi marka aan gurigayga joogo ayaa ku fikiri jiray sidii aan caan u noqon lahaa. Imika oo aan caan noqday waxaan la murugoonayaa nacasnimadii fikirkayga.

Mushkuladda nolosha waxa abuura fikirkaaga khaldan.  Wakhtigayga waxan ku bixiyiay badankiisa sidii aan caan u noqon lahaa, manta oo aan caan noqday waxan ku luminayaa sidii aan uga dhuuman lahaa dadkii aan xiisaynayay inay I bartaan”

Inaad caan noqoto hadaf iyo yool haka dhigan, maxaa yeelay waa hadaf aan cadayn waxa aad helayso marka aad gaadho.

 

 

Leave a Reply