Dhismaha Kaydka Midhaha Caalamka!

0
219

Bangiga lagu magacaabo Sultbard Global Seed Vault ee dalka Norway ayaa ah bangi lagu kaydiyo abuurka midhaha beeraha. Bangigan oo ku yaalla jasiiradda fog ee lagu magacaabo Artic Svalbard, waxa ku kaydsan dhamaan noocayad abuurka midhaha beeraha ee caalamiga ah.

Dawladda Noorway ayaa ku maalgalisay dhismahan ku dhawaad 45 milyan oo kr, oo u dhiganta (US $ 8.8 million) sanadkii 2008. Kharashka ku baxa ilaalinta baanka lagu kaydiyo midhaha abuurka waxa bixiya Nowray, hay’adda Crop Trust, Hay’adda Bill Gate iyo dawlado kala duwan oo dunida ka mid ah.

Wargeyska the Guardian ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in sanduuqan oo ku yaala jasiiradda Spitsbergen ay ku keydsan yihiin milyan baaldi oo midkiiba ay ku jiraan boqol milyan oo ah midho abuur ah oo kala duwan ah, oo aad muhiim ugu ah dunida,

Dhismaha baanka kaydka abuurka waxaa uu ka kooban yahay qalab ay adag tahay inay biyo ama wax  kale ay dibadda uga yimaadaan, ka dibna ay wax yeeleeyaan. Xarunta looma oggolo dadku inay booqdaan, waxaana sabata lagu sheegay sidii looga taxadari lahaa dhibaato soo gaadha kaydka midhaha abuurka.

Xaruntan waxa lagu kaydiyay dhamaan midhaha dalagyada kala duwan ee dunida sida Khudrada, cuntooyinka iyo dhamaan abuurka midho kasta oo dunida laga isticmaalo dalka uu doono haka baxo’e.

Khasnadaha waaweyn ee baanka ayaa loo nashaqadeeyay hab aanay u burburi karin, iyado ocimriga jirtaankooda lagu qiyaasay ilaa 200 sano, waxaana ay ka badbaadi karaan dhamaan masiibooyinka sida dhul gariirka, qaraxyada, duufaanta iwm.

Kaydka midhaha baanka lagu kaydiyay waxa laga soo ururiyay dhamaan dalalka dunida, waxa kale oo baanka midh abuur ku kaydsaday dalka Woqooyiga Kuuriya.  Baanka kaydka nidhaha abuurka dunida looma ogola in la booqdo waana goob mamnuuc ay ka yihin dadku inay booqdaan ama u dalxiis tagaaan, iyadoo sababtana lagu sheegay in la ilaalinayo abuurka midhaha inay waxyeelo soo gaadho.  Asaaska baankan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii midhaha abuurka dunida meel keliya looga wada xukumi lahaa.

Leave a Reply