Manchester City oo Go’aamisay Qiimaha ay ku Iibinayso Raheem Sterling

0
260

Manchester City ayaa go’aan ka gaadhay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga reer England ee Raheem Sterling oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaska uu kula jiro kaas oo doonaya in uu iskaga tago Etihad Stadium kaddib markii uu Pep Guardiola kursiga kaydka dhigay.

Raheem Sterling oo ay Chelsea sii weyn u doonayso ayaa waxa fursaddiisa Manchester City ay sii yaraatay markii ay kooxdaasi lasoo wareegtay xagaagan labada ciyaartoy ee Erling Haalnad iyo Juan Alvarez.

Chelsea ayaa la rumaysan yahay in ay xidhiidh la samaysay Manchester City, si ay uga iibsato laacibka reer England, hase yeeshee City ayaa iibkiisa ku xidhay lacag gaadhaysa  £50 milyan oo Gini oo ay ka dhigtay qiimihiisa.

Sky Sports ayaa kusoo warramaya in Chelsea ay dalab £35 milyan oo Gini ah ka gudbisay Raheem Sterling, laakiin ay Manchester City diidmo kaga soo jawaabay iyadoo dalbanaysa £50 milyan oo Gini.

Warka ayaa intaa ku daray, in Manchester City ay dejisatay xisaab ah in labada ciyaartoy ee Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus oo isagana sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa, in ay ka samayso lacag gaadhaysa £100 milyan oo Gini labadooda oo ay xagaagan iibiso, taas oo ka dhigan in mid walba ay ku doonayso £50 milyan oo Gini.

Real Madrid iyo Barcelona  ayaa la sheegay in ay iyaguna dusha kala socdaan xaaladda Raheem Sterling oo xilli ciyaareedkii tegay 13 gool u dhaliyey Man City 30 ciyaarood oo horyaalka ah oo uu saftay, taas oo ka dhigan in 118kii daqiiqadoodba uu hal gool dhaliyey.

Leave a Reply