Heshiiskii Gabriel Jesus oo lasoo Gunaanadayo & Wakiilka Laacibka oo u Duulay London

0
237

Xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa ugu dambayn kusii negaanaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, inkasta oo uu ka tegayo kooxdiisa Manchester City xagaagan aynu ku jirno.

Jesus ayaa go’aansaday in uu iskaga tago Manchester City kaddib markii ay lasoo wareegeen Erling Haaland iyo Alvarez oo ku cidhiidhinaya booskii uu kooxda ku lahaa oo marka horeba aan joogto ahayn.

25 jirkan ayaa uu wakiilkiisu gaadhay magaalada London oo ay wada-hadallo ku yeelanayaan Arsenal oo doonaysa in uu noqdo weeraryahankooda koowaad, kaddib markii uu ka tegay Alexandre Lacazette sidoo kalena uu bishii January si xor ah kaga baxay Aubameyang, taas oo Gunners ka dhigtay weeraryahan la’aan.

Tababare Mikel Arteta oo diiraddiisu saarnayd Gabriel Jesus iyo laacibka kale ee reer Brazil ee Richarlison ee u ciyaara Everton ayaa waxa uu hadda dedaalkiisa iskugu geynayaa Jesus.

Manchester City ayaa la rumaysan yahay in ay £35 milyan oo Gini ugu talo-gashay saxeexa laacibkan oo ay ku dalbatay, hase yeeshee Manchester City ayaa dalbanaysa £50 milyan oo Euro.

Wakiilka laacibkan reer Brazil ayaa waxa uu u duulay magaalada London oo uu wada-hadallo kula yeelanayo Arsenal oo uu kala heshiinayo mushaharka iyo sannadaha uu laacibkani u saxeexayo, halka Arsenal ay tahay in Man City ay kala xaajooto qiimaha ay laacibkan ku iibinayaan.

Dhinaca kale, Arsenal ayaa u dhow heshiiska garabka weerarka Brazil ee Raphinha oo la rumaysan yahay in Barcelona oo hore ugu cadcaddayd ay ka gaabisay qiimaha ay ku xidhay Leeds United oo ah £60 milyan oo Gini.

Leave a Reply