Tirada Saxeexyada uu Ten Hag ka Dalbaday Man United & Xiddigaha uu Doonayo

0
336

Waxa xog laga helayaa qorshaha suuqa xagaagan ee tababaraha cusub ee Manchester United Erik Ten Hag walow aysan wali kooxdaasi ilaa haatan wax saxeex ah samaynin oo ay markale gaabis u muuqato.

Sida uu sheegayo wargeyska Manchester Evening News, Ten Hag ayaa doonaya ugu yaraan shan saxeex kahor xilli ciyaareedka dambe ee 2022/23 kaddib xilli ciyaareed aad u liita oo ay soo qaateen.

Sida lagu sheegay warbixinta, Ten Hag ayaa xiddigo kala duwan liiskooda haysta balse waxa laga xusi karaa magacyada Christian Eriksen, Frankie De Jong, Jurrien Timber iyo Antony.

De Jong oo Barcelona ka tirsan ayaa sida ugu weyn loola xidhiidhinayaa mudo Manchester balse ma doonayaan inay ku bixiyaan 85ka Milyan ee euro ee ay iibkiisa ku doonayso Barca.

Dhinaca xoojinta difaaca ayuu Erik bartilmaameedkiisa koowaad ka dhigtay da’yarkiisii Ajax ee Timber walow warar badani ay sheegeen inuu heshiiskaas hor istaagay tababaraha xulka Netherlands ee Louis Van Gaal kaas oo ugu hanjabay inuusan koobka aduunka u qaadan doonin.

Haddiiba ay waayaan Timber, labada daafac ee kale ee ay uga weecan karto Manchester ayaa ah Pau Torres oo Villarreal ka tirsan iyo David Carmo oo Braga u ciyaara.

Sidoo kale xiddigaha aadka loola xidhiidhinayo Man United ayuu ku jiraa Christian Eriksen oo heshiiskii lixda bilood ahaa ee uu kula joogay Brentford uu dhacayo bishan dhammaadkeeda.

Waxa isaguna xusid mudan xiisaha Red Devils ee garabka midig ee Ajax ee Antony, booskaasi garabka midig ayaa ah mid kamida kuwa haatan looga baahan yahay Old Trafford.

Leave a Reply