Sadio Mane oo ka Degay Munich oo uu Tijaabada Caafimaadka ugu Marayo Bayern

0
201

Xiddiga reer Cameroon ee Sadio Mane ayaa hadda ka degay magaalada Munich oo uu tijaabada caafimaadka ugu marayo kooxda Bayern Munich kaddib markii ay labada kooxood ee Liverpool iyo Bayern heshiis ka gaadheen iibkiisa.

30 jirkain ayaa soo afjaray waayihiisii Liverpool oo uu muddo lix sannadood ah usoo ciyaaray, waxaanu markiisii labaad ku noqonayaa horyaalka Bundesliga oo uu hore uga soo ciyaaray ka hor intii aanu imanin Premier League.

Liverpool ayaa ogolaatay in ay iibiso Sadio Mane oo ku wargeliyey in uu doonayo inuu iska tago kaddib finalkii Champions League ee Real Madrid, waxaanay £35 milyan oo Gini kaga iibinaysaa Bayern Munich.

Diyaarad khaas ah oo sidday Sadio Mane ayaa ka degtay magaalada Munich abaaro 11:26am waqtiga UK oo ku beegnayd 1:26pm saacadda Geeska Afrika, waxaana halkaas sawirro kaga qaaday warbaahin kusii sugaysay.

Telefishanka Sky Sports ayaa baahiyey muuqaalka Sadio Mane oo kasoo degaya diyaaradda, waxaana si toos ah loogu qaaday cusbitaalka Krankenhaus Barmherzige Bruder Munchen oo uu tijaabada caafimaadka ugu marayo kooxda reer Germany, ka hor inta aanu qalinka ku duugin heshiis saddex sannadood ah oo uu u saxeexayo Bayern Munich.

Sadio Mane iyo Bayern Munich ayaa hore u wada gaadhay heshiis shaqsi ah oo saddex sannadood ah oo uu ku qaadanayo mushahar laba-jibbaar ka badan midkii ay Liverpool siin jiray.

Bayern Munich ayaa laacibkan kula wareegtay £35 milyan oo Gini oo loo kala qaadayo laba waji. Qaybta hore oo dhan £27.5 milyan oo Gini ayay Bayern ku bixinaysaa naqad oo ay Liverpool u shubaysaa, halka inta hadhayna loo kala qaadayo £5 milyan oo Gini oo ku xidhnaan doona tirada kulamada uu ciyaaro iyo £2.6 milyan oo kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa.

Lix sannadood oo uu Sadio Mane joogay Anfield ayaa waxa uu Liverpool ka caawiyey in ay ku guuleysato lix koob oo ay ku jiraan Champions League, Premier League, FA Cup, Carabao Cup iyo FIFA Club world Cup, isaga oo 269 kulan oo uu u saftay u dhaliyey 120 gool.

Leave a Reply